Muqdisho(SONNA):Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Xamarweyne ee Gobolka banaadir ayaa xabsiga dhigay labo kamid ah burcadda hubaysanย ee dadka Shacabka ah baarta xilliyada habeenkii ah, kuwaas oo xalay ciidanku ka qabteen isla Degmada Xamarweyne.
ย Ciidanka ayaa raggaan qabty iyaga oo wata qoriga AK47 iyo moota bajaaj, waxa ayna dhacayeen xilliga la qabtay labo qof dumar ah oo marayay aga-gaarka Kawaanka Maleeyga ee Degmada Xamarweyne.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay inay u taagan yihiin ilaalinta Nabadda si bulshada Caasimadda amni ugu wada noolaadaan.
Ciidmada Booliska aya howlgallo maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen waxa ay kusoo qabteeyn rag ku eedeysan Burcadnimo kuwaa oo xilliyadii habeenkii dhac u geeysan jiray shacabka Muqdisho