Muqdisho,(SONNA): Maanta abaaro 4:40 galabnimo, maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda.
Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday.
Wixii warar ah ee ku soo kordha howlgalka, dib ayaan ka soo gudbin doonaa.