Baydhabo (SONNA): Raโiisul Wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa tababbar usoo xiray dufcadii 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ciidanka loo soo xiray tababarka ka mid noqoshada daraawiishta Koonfur galbeed ayaa loo diyaariyay inay qeyb ka noqdaan sifeynta kooxaha khawaarijta ah iyo xoojinta amniga Maamulkaas.
Raโiisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalam Cabdi Cali oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababbarka ayaa boggaadiyey dadaallada madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku bixiyeen sugidda amniga deegaannada koonfur galbeed.