Raaskambooni (SONNA): Cutubyo cusub oo ka tirsan xoogga dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo todobaadyadan ay ciidanku ka wadeen dhaqdhaqaaq xooggan.
Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedada ay ciidanku halkan u yimaadeen inay tahay xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo inay qaataan masuuliyadda ilaalinta ammaanka xuduudaha, maadaama saldhigyo gobolkaas ku yaal ay baneeyeen ciidamada ATMIS.
Waxa uu xusay Taliye Ciraaqi in ciidamadan aysan duulaan ku ahayn deegaan deegaan nabad ah, balse masuuliyadoodu ay tahay ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca shacabka
Maalmihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Jubaland ayaa si isdaba joog ah ugu biirayey ciidamada xoogga dalka ee Raaskambooni ku sugan.