Xarardheere-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo goordhow la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka waramay howlgal qorsheysan oo ciidanka xooggu ka fuliyeen deeggaano hoos taga degmada Xarardheere, waxaana uu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 39 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ee Shabaab.
Taliye Biixi ayaa sheegay in cashar ay u dhigeen Khawaarijta Al Shabaab, lagana furtay hub, haddana ay uga dabatagayaan deegaanka Jowle oo firxadkooda laga soo sheegay. Waxaana uu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in Khawaarijta laga dilay 45 maleeshiyaad, 50 kalena dhaawacyo soo gaaray.
โKhawaarijta oo dhibaateynaya shacabka ayaa deegaanka Caad ku gubay gawaari ay shacabku leeyihiin iyo kuwa iyagu lahaayeen oo ka halaabay, shacabka ayaana ciidamada la wadaagay xogta oo ah waxa ugu muhiimsan ee la isa siiyo. Ciidamada xoogga ayaana gacanta ku dhigay deeggaano dhowr ah oo laga saaray khawaarijtaโ ayuu yiri Jen. Biixi.
Jen. Biixii ayaa xusay in howlgalka maanta ay gacan ku siiyeen saaxiibada Caalamka ee taageerada buuxda la garab taagan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay garab istaaggooda joogtada ah .
Ugu dambeyntii taliyaha ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay shacabka Soomaaliyeed oo si buuxda gacan uga siinaya dowladda dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta Alshabaab.