Baydhabo-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buulo fulaay ee Gobalka Baay ku dilay 23 ka tirsan khawaarijta
Howlaglkaan oo ahaa mid lagu beegsanayay xarumaha khawaarijta ayaa laga fuliyay sadex xarumood oo ay khawaarijtu ku sugneed.
Hawlgalka koowaad waxa uu ka dhacay goob isbaaro ay u taalay Khawaarijta oo ku taalla afaafka hore ee magaalada.
Hawlgalka labaad waxa uu ka dhacay Garaash ay khawaarijtu ku aruurineysay qaraxyo kuwaas oo goobta lagu burburiyay.
Kan saddexaadna waxaa lagu beegsaday goob Khawaarijta u ahayd xafiisyo maamul oo ay ku sugnaayeen koox horjoogayaal ah.
Xogaha horudhaca ah ayaa waxaa xaqiijiyeen in hawlgaladaas lagu dilay 23 ka tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan labo Horjooge.
howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howlgallo joogto ah kuwaas oo si xirfadaysan ay isaga kaashanayaan ciidanka Qaranka isla markaana lagu beegsanayo hubka, saanad iyo isku socodka Khawaarijta.