Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka
    January 31, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
    January 31, 2026
    Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
    January 31, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka
    January 31, 2026
    Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta
GudahaWararka

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 17, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen). Howlgalkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Horjoogahan, oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay. Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.

Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu soo noqday:
* Madaxa howlgelinta dagaalka ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,
* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,
* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,
isla markaana wuxuu soo noqday ku-xigeenkii Fuโ€™aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo dalka ah, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka. Dilkiisu wuxuu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu goโ€™an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgalada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah isugu yimid Guddiyada wadahallada ee Dowladda Federaalka…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Kuwait oo ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed eeย  Soomaaliya.

New-York-(SONNA)- 17-Nov. Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait ayaa mar kaleย  ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed…

Wararka
November 17, 2019

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka

eijing,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiimaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xafladda furitaanka shirka 11-aad…

GudahaWararka
July 2, 2023

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka wadajirka ee BFS

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad…

GudahaWararka
February 19, 2024

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada Qaranka, ayaa dul…

GudahaWararka
December 24, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023