Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta
GudahaWararka

Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 12, 2024
3 Min Read
Share
Muqdisho.(SONNA):- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay howlgalka ka dhanka Khawaarijta oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe, Galguduud iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada 14-ka iyo kuwa Gor Gor  oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgal ka fuliyeen deegaanno ku teedsan degmada Awdhiigle iyo Jannaale, halkaas oo Khawaarijta lagaga faramaroojiyay deegaanka Daarusalaam oo ay shacabka musliimta ku gumaadi jireen.
” Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka, waxay howlgallo barakeysan ka fuliyeen gobolladda Shabeellaha hoose, Dhexe iyo Galguduud, haddii aan ku hormaro gobolka Shabeellaha hoose guutada 14-ka October iyo Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor ee xoogga dalka oo iskaashanaayo ayaa waxay howlgal barakeysan ku sifeeyeen deegaannada xiriiriyo Awdhiigle iyo Jannaale, sidoo kale, waxay gacanta ku dhigeen Daarusalaam ee hoostagta degmada Awdhiigle,”.
Sidoo kale, howlgallada oo saf-ballaaran ku socday ayay ciidamada geesiyaasha waxay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, howlkaas oo Alle fadligii lagu khaarijiyay horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab.
”Shabeellaha Dhexe, haddii aan ku xijino deegaan lagu magacaabo Harqaboobe, waxay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 3-aad, qeybta 12-ka Aprill, Guutada 25-aad ee Cumar Bini Khadaab iyo ciidamada CDS qeybahooda kala duwan oo iskaashanaya waxay howlgal ka fuliyeen halkaas, waxayna ku khaarijiyeen dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab, waxaanna dhulka daadsan meydadkooda, ”.
Ciidamada xoogga dalka oo toddobaadyadii u dambeeyay waday howlgalo  guulo wax ku ool ah laga gaaray ayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed ku fara saaray deegaanka Waniile iyo deegaanno kale oo hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, halkaas oo Khawaarijta cashar lama ilaabaan ah loogu dhigay.
”Gobolka Galguduud, xadka xiriiriyo Shabeellaha dhexe iyo Galguduud, howlgalka barakeysan ayaa ka dhacay qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, ciidamada Gor Gor iyo DANAB oo iskaashanaya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlgal ka fulinayeen Waniile iyo deegaanno hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, waxaanna Cadowga looga furtay hub tiro badan, waxaanna looga dilay iyo horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta, toddobaadyadii ugu dambeeyay farxad ayay u ahayd ciidamada xoogga dalka guulaha wax ku oolka ah ay ka gaarayaan howlgalka ka dhanka Al-shabaab, sidaas oo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa ku faraxsan,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Difaaca.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Al-shabaab deegaanno badan oo ka tirsan dalka, halkaas oo ay dadka rayidka ah ku dhibaateyn jireen.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)

Tan iyo intii dagaalka adag lagu qaaday Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, meel kastana lagu jabiyay ayaa waxaa soo kordhay…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Guddoomiyaha golaha shacabka oo sheegay in dowladdu ay ka go’antahay kor u qaadista tacliinta

Muqdisho-(SONNA)-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in ay dowladdu…

GudahaWararka
June 12, 2024

Wasiirka Caafimaadka XFS oo la kulantay Danjiraha Finland ee Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA)...Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fawziya Abiikar Nuur ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Danjiraha dalka Filand u qaabilsan…

Gudaha
June 24, 2021

Galmudug oo heshiisiisay beelo ku dagaalamay Galgaduud

Xeraale Wasaarada arrimaha gudaha, federalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo ku soo gabagabeysay deegaanka Balihowd oo hoos taga degmada…

GudahaWararka
December 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023