Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaad Khawaarijta ah, weerarkaas ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada ayaa cagta mariyay goobihii gabaadka u ahaa cadowga, kadib markii heleen xogta Khawaarijta isku uruursaneysa aaggaas, waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoog leh, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 86-aad Guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaas.
Sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa weerarkan ayaa tilmaamay in haraadiga naf la caariga ee ku dhuumaaleysanaya howdkaย deegaanadda hoos tagga Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud uu midba maalin isa soo dhiibayo kadib marka ay u adkeysan waayaan nolosha hoy iyo har la’aanta ee ay ku jiraan khawaarijtu. Ciidamadda xoogga iyo kuwa deegaankuna ay maalinba maalinta ka dambeysa ay sii laba-laabayaan gulufka iyo beegsiga ay ku hayaan Khawaarijta.