Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer oo dardaaran adag la siiyay (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer oo dardaaran adag la siiyay (Warbixin)
Maqaallada

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer oo dardaaran adag la siiyay (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 19, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Mas’uuliyiin ka socda ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug ayaa gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaanna hoggaaminayay xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Galmudug Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse.

Saraakiisha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ciidamada,iyagoo halkaas warbaahinta kula hadlay, waxayna kula dardaarmeen in ay ilaaliyaan amniga, anshaxa iyo nabad galyada guud goobaha ay ka xoreeyeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Taliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Amar dul dhigay ciidamada howlgallada ku jira ee sii baacsanaya Khawaarijta Al-shabaab.

Gaashaanle sare Cabdullaahi Muuse ayaa ciidamada u balan qaaday inuu kala shaqeynayo sidii ay ku heli lahaayeen baahiyadooda dhanka ciidanka kuna dhiira geliyay in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

” Maanta waxaa idin hortaagan maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxay idin kugu timid saddex maaddo, mar in ay idinla howlgasho,mar dambiyada ciidamada dhexdooda geliyaan xabad ha noqoto, dil ha noqoto ama dhaawaca in ay idinka la hadasho, marna badbaadada shacabka in ay idin lala hadasho, shacabka aan u soo hiilinay inaan badbaadino guryahooda la furan,” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale, ciidamada kula dardaarmay in ay xoogga saaraann sidii loo badbaadin lahaa nafta iyo hantida muwaadinka Soomaaliyeed oo ay u soo dhaarteen, taas oo suurta gelineysa in wada shaqeyn dhow yeeshaan shacabka iyo ciidamada, xooggana la isugu geeyo ciribtirka Khawaarijta.

Sidoo kale, waxaa warbaahinta la hadlay Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax, taliyaha guutada 17-aad kumaandooska Gor Gor ayaa adkeeyay amarka taliyaha, isagoo tilmaamay inaan la arki karin askari xabad ku dhex ridaya magaalada dhexdeeda.

” Xabadda bilaa micno darada loo ridayo, waad ogtihiin, ma ogolaan doono in xabad lagu soo iibiyay canshuur laga qaaday hooyo suuqa caano ku iibineysa bilaa micno daro loogu rido magaalada dhexdeeda,”.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa si dar dar ah kaga socda bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamada xoogga Dalka iyo dadka deegaanka dhaq dhaqaaq xooggan ka wadaan.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

58 sanno ka dib Soomaaliya maxay muhiim ugu tahay hirgalinta doorasho dadweyne?

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta doorasho dadweyne oo Soomaaliya ugu dambeysay 58 sanno ka hor, taasi oo uu…

GudahaMaqaallada
February 15, 2025

Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Muddadii uu uu bilowday Dagaalka Khawaarijta oo ay iska wada kaashanayeen Ciidanka Qalabka Sida iyo Xoogagga Deegaanka ayaa waxaa lala…

MaqaalladaWararka
January 19, 2023

Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsoon dagaalka khwaarijtu ka waddo dalkaan (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Muddo ka badan 15-sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku hayeeN Khawaarijta, waxaana hadda isbedel xoog leh oo…

GudahaMaqaalladaWararka
February 12, 2023

Culimadda Soomaaliyeed oo door weyn ka qaatay dagaalka lagula jiro khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Culimadda Soomaaliyeed oo door weyn ka qaatay dagaalka lagula jiro khawaariijta In ka badan mudo 15 sano ah waxa shacabka…

MaqaalladaWararka
January 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023