Muqdisho (SONNA) Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga Deegaanka ayaa maanta burburiyay fariisimo Khawaarijtu kaga sugnaayeen tuulooyin hoos taga magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud.
Howgalka waxaa qeyb ka ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dhiiri gelin ugu tegay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka oo maalmihii la soo dhaafay howlgallo kula wareegayay magaalooyin horleh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.