Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 5, 2023
7 Min Read
Share

Burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii kadib ayaa waxaa Dalka soo gaaray Ciidamo huwan ah oo la magac baxay Ciidanka Howsha ku midoobay (TASK FORCE), sanadkii 1992kii, kaasi oo uu hoggaaminayay Wadanka Maraykanka, ayna ka mid ahaayeen Wadamada Faransiiska, Talyaamiga, Bijam, Maleesiya, Turkiye iyo kuwa kala socday Afrika iyo Carabta, kuwaasi oo ujeedadoodu aheyd in ay kaalmeeyaan Dadka Soomaaliyeed oo berigaasi ay ka jireen dagaalo sokeeye oo sii daba dheeraaday, kaasi oo sababtay in ay dilaacdo Macluul ba’an oo ay Dunidu la yaabtay, runtiina waxay u fidiyeen gacan bini’aadannimo, waana ku guuleysteen samata bixinta Dadkii baahnaa, muddo kadibna waa ay ka baxeen sabab kasta ha ahaatee sanadkii 1995-kii.

Markaasi waxaa sababay soo galitaanka Ciidamada shisheeye Macluushii iyo dagaallo sokeeye, balse soo galitaanka Ciidamada waxaa sabab u ah kadib markii Kooxaha Argagaxisu ku fideen meelo ka mid Gobolada Dalka, islamarkaana dhibaatooyin fara badan u geystay Shacabka Soomaaliyeed, Duniduna ay ka baqdin qabtay inay ku sii fiddo shartooda Wadamada kale ee Dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo meelo kale.

Mar haddi ay muddo ku sugnaayeen Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee la magac baxay ATMIS markii horena loo yiqiin AMISOM, waxaa loo baahday in ay bedelaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayay Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay dajisay Isteraajiyadda ka bixitaanka Ciidamadaasi sanadka markuu gaaro 2024-ka, inta ka horreysana si tartiib tartiib loo dhimo tiradooda, balse ka hor bixitaankooda loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cuneqabateynta Hubka ee ay Qaramada Middobay saartay sanadkii 1991-kii.

Haddaba si loo qaado cuneqabateyntaasi ayay Dowladdu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay si loo qaadi lahaa gabi ahaanba Cuneqabateyntaasi, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka, waxaa kaloo uu ka qeybgalay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha waxa uu khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa Wejigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo uu la kulmay Madaxda Hey’adaha Caalamiga ah, kuwaas oo ay iska wareysteen taageero caalami ah ee dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxda howlgalka ATMIS, El-Amine Souef ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka inay ka qaadaan xayiraada Hubka culus ee saaran Somalia laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1991-dii markaasoo uu burburay Nidaamkii Dowladeed iyo kala dambeyntii…

Sarkaalkaan ATMIS Hogaamiya ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Somalia ay ka caawinayso Ciidamada Amniga ay awood u yeeshaan inay la wareegaan lahaanshaha Amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada isla markaasna degaanada laga xoreeyo dib loogu howlgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii Ergo ka socday Golaha Amaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay soo gebagebeeyeen safar shaqo oo ay ku soo gaareen Caasimada Mogadishu si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan Juun iyo September 2023-ka.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu heystaa ilaa 31ka Diseembar 2024-ka,  si uu uga baxaan guud ahaan Dalka, Dowladda Federaalka iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh ay Mas’uuliyadaha Amniga loogu wareejiyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Ka dib 18 sano iyo saddex hawlgal nabadeed oo caalami ah, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay si buuxda u maamusho ammaankeeda. Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isku diyaarinaya in 2,000 oo askari laga saaro dalka marka la gaaroo 30-ka June 2023-ka.

Haddaba si loo gaaro hadafkaasi ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayay howlgalka ATMIS kala wareegay Lix saldhigga oo ku kala yaalla Gobolada Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo Gedo, saldhigyadaasi oo kala ah Cadale, Xaaji Cali iyo Mirtaqwo oo ka tirsan Shabeelada Dhexe oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan Ciidanka ATMIS, Ciidanka Kenyana waxay iyaguna wareejiyeen Deegaanka Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo, halka Ciidama Ugaandha ay wareejiyeen Deegaannada Arbacoow iyo Jasiira oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigyadii ATMIS ee degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho, Ciidama Ugaandha waxay kaloo ka guureen saldhig 3-aad oo ka tirsan Shabeelada Hoose kuna yaalla Marka Ayuub, saldhiggaasi oo la xiray, iyadoo Ciidamaada ka tirsan ATMIS ee wareejiyay Saldhyadaasi waxay tiradoodu dhan tahay 200 Askari, waxaa kaloo la filaa in bisha Septemper ay baxaan 300 arkari oo ka tirsan Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS.

Xil-wareejinta mas’uuliyadda amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qorshaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro (2000) oo Askari dhammaadka bishan Juun.

Korneyl Sanay Cabdulle oo ka tirsan Saraakiisha ku sugan Aagga Deegaannada Shabeelada Dhexe oo ka hadlaayay munaasabad howl-kala wareejin oo ka dhacday Degmada Cadale ayaa yiri:-” Waan ku filanahay in si buuxda aan dalka ugala wareegno Ciidamada ATIMIS, dhawaanna waan ciribtireyna Khawaarij”, isagoo la dardaarmayay Ciidamada Qaranka ee la wareegay Saldhiggii Cadale oo ay kala wareegeen Ciidanka Burundi oo in muddo ah ku sugnaa Deegaanadaasi ayaa sii raaciyay “ Saldhig in lala wareego muhiim ma ah ee waxaa la iska rabaa in ammaanka guud la lala wareego”.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kulan la qaatay Culimada Wasaaradda

Muqdiaho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaaji…

GudahaWararka
August 28, 2023

Shacabka tuulada Ceeldheere oo ka hadlay dhibatooyinkii ay ku qaben Khawaarijta intii ay gacanta ku hayeen tuuladaas

Muqdisho(SONNA):-Dadka Shacabka ah ku dhaqan tuulada Ceeldheere ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa  ka hadlay dhibatooyinkii ay ku qaben Khawaarijta intii…

GudahaWararka
August 27, 2023

Wasiirka Dastuurka XFS: Waa naga go’antahay in Dastuurka wax ka beddal lagu sameeyo

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go'an tahay wax ka beddel…

GudahaWararka
January 24, 2024

Masar iyo Mareykanka oo taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Qaahira-(SONNA)-Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay damaca guracan…

GudahaWararka
September 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023