Muqdisho-(SONNA)-Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayaa wadajir waxaa u fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug, waxayna kula wareegeen Saldhiyo khawaarijta Al Shabaab ku lahaayeen koonfurta Gobolka mudug
Howlgalka ayaa inta uu socday waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleshiyaad ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab, Saraakiisha ciidamada ayaa soo bandhigay Saldhigyadii iyo gododkii khawaarijta Al Shabaab ku laayeen
Howlgalkan jabka lagu gaarsiiyay khawaarijta ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 6-aad Tuulada 16-aad ee Danab Axmed Maxamed Salaad
Geedi Qalabxor oo ka tirsan Saraakiisha Daraawiishta Galmudug iyo Taliyaha Saldhiga Booliiska Deegaanka Bajeela Axmed Xuseen Rooble oo qeyb ka ahaa Saraakiisha howlgalka ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalkan lagu jabiyay Khawaarijta Al Shabaab.
Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Gobolka Mudug Cabdimanaan shiikh Maxamed Cismaan ayaa Ciidamada xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ku amaanay doorkooda ku aadan dabar goynta Khawaarijta Al Shabaab.