Muqdisho.(SONNA):- Ciidanka xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta weerar culus ku qaaday deegaanka Bacadka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo 10 KM ah.
Howlgal xooggan ayaa wali socda waxaana cadowga gaaray khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan, sidoo kale waxaa gacanta looga dhigay Gaadiid dagaal iyo hub.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay Khawaarijta ka saaraan deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo maamulka Galmudug.