Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa xaqiijiyay in ciidamaada dalka Burkina Faso ay xireen madaxweynihii dalkaas Roch Christian Kabore.
Diblomaasiyiin iyo masโulliyin amni ayaa REUTERS u sheegay in madaxweynaha lagu xiray xero ciidan.
Shalay iyo subaxnimadii manta oo isniin ah, meel u dhaw madaxtooyada dalkaasi waxaa ka dhacay ย is rasaaseyn inkasta oo markii danbe dowladdu shegtay inaysan jirin wax afgenbi ah.
Todobaadki hore, xukuumada dalka Burkina Faso ayaa sheegtay in laย xiray dhowr askari oo lagu soo eedeyay inay wadeen afgambi.