Muqdisho(SONNA):-Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 10 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta Alshabab.
Xubnahan oo khawaarijta Alshabab u qaabilsanaa Jabhadaha ayaa kasoo howlgalay gobollada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha hoose, Shabeellada dhexe , Mudug iyo Hiiraan.
Isa-soo dhiibayaashan ayaa sheegayย in ay tahay Sababata ku kaliftey in ay khawaarijta ay ka soo baxaan ay tahay Dhibaatada ay ku hayaan shacabka iyo hhowlgallada balaaran ay dowlada ka wado guud ahaan dalka.
Xubnahan ayaa ugu baaqay kuwa wali ka tirsan khawaarijta in ay isaga soo tagaan kuwa arxanka daran ee dhiig-cabayaasha ah oo Diinta Islaamka ka been sheegay.
Ciidamada ammaanka ayaa Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay kusoo bandhigay 10 xubnnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Maleeshiyaadka isi soo dhiibay ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha ay ku sheegaan, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneed ee hal mar iska soo dhiiba kooxda, iyadoo dhawaanahaanba ay aad usii kordhayeen Maleyahiyaadka iyo horjoogeyaasha ka soo baxaya garabka cadowga.
Shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo Khawaarijta ka soo goostay, waxaana ay sheegeen in ay ka faaideysanayaan Cafiska Madaxweynaha Qaranka.