Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ciidamada oo soo afjaray weerar Khawaarij ku soo qaaday guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada oo soo afjaray weerar Khawaarij ku soo qaaday guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah
GudahaWararka

Ciidamada oo soo afjaray weerar Khawaarij ku soo qaaday guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah

By Kanaava Mohamed
Last updated: February 21, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):-Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjarilahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.

Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.

Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Talaabada Khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga Khawaarijta ah.

Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay Khawaarijtu beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):1- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho u magacaabey Dr. Xasan Maxamed…

GudahaWararka
May 30, 2025

Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah…

Gudaha
March 31, 2026

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badda Soomaaliya aan la aqbali karin, isla markaana aysan Soomaaliya…

GudahaWararka
February 7, 2024

Guddoomiye Madaale oo xarigga ka jaray 12-waddo interlock ah oo laga hirgeliyay degmada Warta Nabada

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray 12-waddo oo interlock…

GudahaWararka
December 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023