Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Amaanka gaar ahaan ciidamadda howlgalka Ciiltire oo ka kooban Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka Caasimada iyo Nawaaxigeeda, iyada oo la sugayo Amniga iyo badqabka Ummadda ee maalmaha Ciida iyo toddonbaadka xorriyadda.
Kooxda khawaarijta oo doonayey inay dhibaateeyn ummadda Soomaaliyeed sidoo kalena qalqal galiyaan xasiloonida iyo amniga caasimada ayaa dhawr hoobiye ka soo tuuray Deegaanka Garasbaaley gaar ahaan waaxda 2-aad ee Fooriloow abaare saacadu ahayd 11:30 AM. Kuwaas oo ku dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laakiin aan geysan wax khasaaro ah.
Ciidamadda ammaanka oo aad feejignaa ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray hoobiyaha, waxaana ay gacanta ku dhigeen dhowr xabo oo Baalooto hoobiye ah, mobayladii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay oo saldhig u ahaa kooxda khawaarijta.
Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday illaa inta la helayo Khawaarijtii shacabka dhibaataynaysay. Waxaana hada ku sugan Ciidanka Amaanka oo baaris arrinta la xariirta.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraaโid ku qabtay gurigii laga soo tuuray hoobiyeyaasha oo ciidamaddu ay la wareegeen ayaa sheegay inay baxsadeen kooxdii falkan ka dambeysay balse ciidamaddu ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan gurigan oo saldhig u ahaa, waxaana uu soo bandhigay oo uu warbaahinta la wadaagay hoobiyeyaal iyo agab kale oo kooxdu ay ka carareen.