Afgooye-(SONNA)-Ciidamada ammaanka Soomaalioya ayaa Xalay howl-gal Dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.
Howl-galkan ayaa yimid markii Bam lagu tuuray Guriga uu Afgooye ka deggenaa Gudoomiye ku xigeenkii arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha hoose, Cumar Maxamud Cilmi โCumar Carrabeeyโ oo u geeriyooday dhaawac kasoo garaay weerarkaas.
Ciidamada ayaa howl-galkoodu waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxanay soo qabteen Dad ku dhow 50ย Qof oo Dhallinyaro u badan, kuwaas oo la geeyey Saldhigga Booliska Afgooye.
Dhallinyarada Ciidanka soo qabteen ayaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo uu ku socda baritaan arrimahaasi ku saabsan.
Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Degmada Afgooye ayaa ย sheegay in Dadka ay qabteen qaarkood ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagaxisada Al-Shabaab.