Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Cadaala:”Waa ka xumahay in Dad Masuuliyiin ah ay Macaash siyaasadeed ka raadiyaan Khawaarijta” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Cadaala:”Waa ka xumahay in Dad Masuuliyiin ah ay Macaash siyaasadeed ka raadiyaan Khawaarijta” (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Wasiir Cadaala:”Waa ka xumahay in Dad Masuuliyiin ah ay Macaash siyaasadeed ka raadiyaan Khawaarijta” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 16, 2024
9 Min Read
Share

Waxaa wali socda hadal heynta ah Is-af garad ku sheegii ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, taasi ayaana keentay inay Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhex yaallo xurguf ka dhex dhalatay, taasi ayaa ka dhigtay in cirka isku shareertay, waxaana la isku dayay dhowr mar in arrinta la qaboojiyo, balse waa suurtogali weysay, waxaana ugu dambeeyay la isku dayay midkii lagu qabtay Magaalada Ankara ee dalka Turkiye, kaasi oo ay gar-wadeen ka aheyd Dowladda aannu Walaalaha nahay ee Turkiye.

“Anigoo cuskanayo Qaraarkii Barlamaanka Fedraalka Soomaaliya ee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna”, ayuu yiri:- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud mar uu Khudbadda dhinacyo badan taabanayay ka jeedinayay furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Itoobiy iyadaa wareegeysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya, iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamka, maantana iyadaa wali diidan”.

“ Sida uu sheegay Madaxweynaha JFS Itoobiya iyadaa wareegeysa oo meel walba la taagan hanala heshiisiiyo, mowqifka Soomaaliya waa uu cad yahay oo ah inay difaacdo qaddiyadda Soomaalinimada, man ka laba-labeyneyso, dhankeeda ayuu wanaaggu ka xumaaday, iyadanaa laga rabaa inay wanaajiso”, sidaasina waxaa yiri:- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) oo howla shaqo u jooga magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Mar uu ka hadlaayay isku daygii lagu dhexdhexaadin lahaa Soomaaliya iyo Itoobiya ee Magaalada Ankara ee Cariga Turkiye “ Wada hadalada Itoobiya iyadaa dalbatay, iyadaana codsaneysay in la kala dhexgalo, dowladda Soomaaliyana way aqbashay, maadaama uu Turkigu yahay dal aan Walaallo iyo saaxiib nahay, sidaasi ayaan ku tagnay, waana cad yahay go’aanka dowladda Soomaaliyeed oo ah inay ilaaliso madaxbaanineeda, xuduudaeeda iyo sharafteeda sida Dastuurkeedu faraayo iyo shuruucda caalamiga ahba, iyadaa ku xad gudubtay, iyadaana laga rabaa inay ka noqoto”, ayuu u sheegay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dhawaan la hadlay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dowladdiisu aysan su’aal galinaynin midnimada Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in aysan diyaar u ahayn kala-qeybinta dalka Soomaaliya. Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haaya codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado gaaritaanka badda. Sida laga soo xigtay warbaahinta Addis Standard oo soo tarjuntay khudbadda Abiy waxaa uu yiri “codsigan [gaarista badda] waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya”.

Mar uu ka hadlaayay Qolyaha Dowladda Dhaleeceeya, “Waa ka xumay in Dad Mas’uuliyiin ah ay macaash siyaasadeed ka raadiyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso Khawaarijta ay nooleeyaan, balseay la yimaadaan aragtiyo ay wax ku dhisi karaan, iyagoo cabsi ka qaba guulaha is daba jooga ah ee ay dowladdu gaareyso inay cudur daar ka dhigtaan Shabaab ayaa nool oo aan ognahay waxa lagu sameeyay khawaarjita ay arkayaan shacabka Soomaaliyeed, waxa ay dowladdu sameyneyso, dabcan waa dabci xun iyodhaqan siyaasadeed xun oo liita, waxaana laga filan karay inuu aragti dowladnimada dhiseysa oo wax u kordhineysa la yimaado, laakiin uu jeclaan lahaa guulaha Khawaarijta, si uu Idaacad u soo koro oo uu sheego waxyaaba qaldan”, ayuu sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

“Waa in ay noo kala soocnaato naceybka Mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirkii hore amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wuxuuna intaasi raaciyay in ay tahay wax laga xumaado fariimaha dhiirri gelinta u ah kooxaha Khawaarijta oo hadda ku jira waqti gabo-gabo ah. “Walaalayaalow waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada, micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin in aad caddowga Khawaarijta la safato adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey,  Qaranadimada ha dhaafsan inuu dal caddow ah qorshihiisa kuu soo dhiibo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Factbook-ga.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula taliyay dadka farriimaha dhiiri gelinta u ah khawaarijta in ay jiraan Waddooyin kale oo qofka ku sheegi karo aragtidiisa. “Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan aheyn in aan cadowga Ummaddan isu dhiibno, Xildhibaannada waxaan ugu nasteexeynayaa in aan ku dhex shaqeynayno sharciyadda Baarlamaanka, dowladnimada ayaa ka weyn dan kasta oo gaar ah”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabka Soomaaliyeed ayaa khawaarijta ku qaaday dagaal dhan kasta ah Kooxdaasi, taasi oo keentay in awooddii ay lahaan jireen meesha ka baxday kuna jiraan hadda heer gabo-gabo ah, balse Kooxaha baryahaan soobaxay ee Qaaqlayaashu ma arkaan guulha isdaba joogga ah ee ay gaareyso Dowladda Soomaaliyeed dhinacyada siyaasadda iyo Militari ahaanba, waxaana soo qaadan karnaa guulaha siyaasadeed,waxaa lagu guuleystay in deymihii dalkan laga cafiyo, qaadistii Cuneqabateytii Hubka, ku biiristii Bulshada Bariga Afrika, Soomaaliya oo ku fariisaneysa Kursiga meertada ah ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-ka iyo kuwa kale oo heer caalami ah, halka dhinaaca Ciidankana waxaa Khawaarijta laga xoreeyay in ka badan 250 meelood oo isu jira magaalooyin iyo deegaanno, waana la sii baacsanayaa, waxaana ugu dambeeyay howlgal barakeysan oo galay galab ka dhacay inta u dhaceysa Deegaannda Waniinle ilaa Cowsweyne, kaasi oo Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab aysan ka soo waaqsan Karin.

Howlgal qorshaysan oo ay galabta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay in ka badan 60-Kawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal. Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanku ay heleen xogo sirdoon, taas oo u suuragalisay inay dhabarka ka jabiyaan maleeshiyaadka is aruursanayey.

Dagaalka shalay galabta ayaa maleeshiyaadkii lagu dilay waxaa ka mid ahaa horjooge Xuseen Cali oo hoggaaminayey qeyb ka mid ah khawaarijta.Taliye Dayax ayaa sheegay inay ciidanku haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay, islamarkaana ay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan Meydadka ay ka carareen Khawaarijta iyo Hubka laga furtay, iyadoo qaar ka mid ah Meydadka Khawaarijtii shalay galabta lagu laayey howlgal ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne ee gobolka Galgaduud ayaa Xalay la geeyey degmada Ceeldheer, waxaana isku soo baxay shacabka degmadaas iyo ciidamada ka soo guuleystay cadowga Khawaarijta ah.

Haddaba Qaaqlayaashaasi ayaa doonaya inay qariyaan guulaha isdaba joogga ah ee ay gaarayaan Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka, balse damacooda yahay inay u adeegaan duul qarsoon, iyagoo ka tagaya Xilalka ay hayaan iyo Muwaadinnimadooda, marka kuwaasi waxaan leenahay Imaanka allaha galiyo, Dowladnimada Soomaaliya waa mid talaabsatay ee yaan lagaa tagin, taariikhduna waa qormeysaa, waxaad arkeysaa Mas’uul dhahaya ‘Dowladda labada kontorool xukunta’, isaguna marna soo hadal qaadin deegaanka uu ka soo jeedo oo ay Khawaariji ku silcineyso Dadkooda.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXDA GOLAHA WADATASHIGA QARAN EE DOORASHOOYINKA OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY GUDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

MADAXDA GOLAHA WADATASHIGA QARAN EE DOORASHOOYINKA OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY GUDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA Muqdisho, Maarso 23, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

Gudaha
March 23, 2021

Dowladda Soomaaliya oo ku guulaysatay in ay gacanta ku soo dhigto shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Muqdisho(SONNA):-Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL…

GudahaWararka
March 23, 2024

Xamarweyne oo u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka Ramadaanka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 22- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada…

Gudaha
April 5, 2024

ICPAC: Oktoobar ilaa Disembar 2024, Saadaal Xilliyeedka ee dalalka bariga Geeska Afrika

Muqdisho.(SONNA):- Xarunta Saadaasha iyo Codsiyada Cimilada eeIGAD (ICPAC) ayaa soo saartay saadaal xilliyeedka bilaha Oktoobar ilaa Disembar (OND) ee 2024,…

GudahaWararka
August 22, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023