Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 28, 2024
7 Min Read
Share

Xiisada Geeska Afrika ayaa soo cusboonaatay dabayaaqadii bishii Agoosto markii labo diyaaradood oo kuwa Xamuulka ah oo Milateriga Masar ay ku soo degeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo wada Hub, Rasaas iyo ilaa (300) oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska, sida ay qortay Jariiddada African Defense Forum (ADF).

Askarta oo ku labisan qalabka dagaalka, ayaa si iskood ah u istaagay Waddada laamiga ah, iyadoo sarkaal ka tirsan dowladda Masar uu ku macneeyay in ciidamadan ay yihiin kuwii ugu horreeyay ee kumanaan Askari ah oo imaanaya, kuwaasi oo loo igmaday heshiis amni oo dhawaan la saxiixay, si loo qalabeeyo loona tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, isla markaana gacan ka geysta ilaalinta  xarumaha dowladda iyo Masuuliyiinta. Ballanqaadka Masar ee ah inay kumannaan Askari u soo dirayso Soomaaliya ayaa ah calaamaddii ugu dambaysay ee xiisadaha Geeska Afrika ee sii kordheysa, balse dadka wax falanqeeya ayaa rajo ka qaba in dagaal baaxad leh lagu baajinayo imaashaha Ciidamadaasi.

Masar ayaa hadda la sheegay in 1,000 kamaandoos ah ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in bilaha soo socda la geeyo ilaa 10,000 Askari. Waxa ay 5,000 oo Askari ugu yaboohday dhammaadka sanadkan ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa xasilinta Midowga Afrika, waxa ayna si gooni gooni ah u diri kartaa 4,000 oo kale oo Kumaandoos ah, taasi oo qeyb ka ah heshiiska dhanka difaaca ee ay la gashay Soomaaliya, waa sida ay qortay Waaxda Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF). “Masar waxaad ku leedihiin saaxiibo iyo walaalo aad ku tiirsanaan kartaan,” Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Saxafiyiinta hortooda ku sugnaa intii uu socday shir madaxeedkoodii Agoosto. “Masar ma ogolaan doonto cidna in ay khatar geliso Soomaaliya ama ay wax u dhinto ammaankeeda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya, isaggoo ku dhowaaqay inay la dagaal galayaan haddii loo baahdo, xilli ay ka sii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taasi oo ka dhalatay Is af-garad ku sheegii uu Abiy Axmed la galay Muusi Biixi.

Al-Siisi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta, sidaasi darteedna aysan aqbaleyn in loo hanjabo, wuxuuna Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay “difaac wadareed” sida ku cad Axdiga Ururka.

“Anagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doono inuu qofna u hanjabo Soomaaliya. Masar waxay marwalba garab taagan tahay Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Al-Siisi, oo xaqiijiyay in diyaar u yihiin haddii Soomaaliya ka codsato taageerada difaaca Qaranimadeeda, waxaana hadalka Madaxweyne Al-Siisi ayaa imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay gobolka kadib markii Masar ay magaalada Xamar ka soo dejisay Hub iyo qalab Milateri oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay damaca guracan ee dowladda Itoobiya.“Mareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xadgudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah shir jaraa’id ay si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh, waxayna Wasiirrada ay magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Seddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan dowladaha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Wasiir Fiqi kulanada uu ka wado magaaladda New York ee dalka Maraykanka ma ah kuwa kala joogsi leh waayo waxa uu Madaxda caalamka u sheegayaa Xabashida dhul boobkeeda iyo Damaceeda waalan ee aan salka laheyn. Wasiir Fiqi waxa uu la kulmay Wasiir Axmed oo ka socday dalka Kanada waxa uuna ka qeybgalayaa shirk QM ee New York,Wasiir Axmed ayaa ah nin asalkiisu yahay Soomaali.

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

” ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada, waxayna halis weyn ku yihiin Amniga iyo xasiloonida guud ahaan Geeska Afrika”, sidaasi waxaa yiri:-Ra’iisul wasaare Xamse oo khudbad ka jeedinayay kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in Soomaaliya caddayneyso xaqa ay u leedahy Difaaca, midnimadeeda dhulkeed ee jamhuuriyadda Soomaaliya. “Soomaaliya waxay cadaynaysaa xaqa ay u leedahay inay difaacdo midnimada dhulkeeda, Waxa ayna ugu baaqaysaa Itoobiya in ay joojiso daandaansiga ay waddo oo ay u hoggaansanto shuruucda Caalamka” ayuu yari Ra’iisul wasaare Xamsa

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada Midowga Africa ee 2025

Addis ababa(SONNA):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga…

GudahaWararka
March 16, 2024

Wasiir Daa’uud Aweys” Marna ma aqbali doono gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya u bareertay,”

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb galay…

GudahaWararka
January 27, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Waddo oo interlock

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray 10 Waddo oo…

GudahaWararka
December 10, 2024

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo furay Shirka Saraakiisha Boliiska heer federaal iyo heer dowlad goboleed

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin,  ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, ka daah-furay shir ay…

GudahaWararka
July 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023