Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Cabista Sigaarka iyo isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Cabista Sigaarka iyo isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad
GudahaHealthy

Cabista Sigaarka iyo isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 31, 2023
6 Min Read
Share

Maanta oo kale 31 Maajo danad walba waxaa loo asteeyay, maalinta caalamiga ah ee joojinta cabista Sigaarka iyo tubaakada, (WORLD NO TOBACCO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta isticmaalka tubaakada noocyadeeda kala duwan.

Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2023 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo hal-ku-dhigga sanadkanna uu yahay โ€œWAXAA LOO BAAHAN YAHAY BEERISTA DALAGYADAย  BEERAHA EE LOOMA BAAHNO BEERISTA TUBAAKADA โ€œWE NEED FOOD, NOT TOBACCOโ€ taasoo loola jeedo dhibaatada beerista tubaakadu ay u geysanayso dhanka dalagyada beeraha, deegaanka iyo bulshadaba.

Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.

Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.3 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraaya.

Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, in ka badan 7 milyan waa dadka si tooska ah u caba sigaarka halka 1,200,000 oo qof ay yihiin dadka sida dadban ku caba sigaarka (Second-hand Smoke).

Isticmaalka Tubaakada iyo Cabista sigaarka waxaa la sheegay iney ku jiraan in ka badan 7,000 maado oo kiimika ah oo boqolaal ka mid ah ay yihiin sun, 70 ka mid ahna ay sababi karaan cudurka halista ah ee kansarka. Waxaana ka mid ah maadooyinkaas: Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide, amooniyo iyo qaar kaloo badan. Waxaa kaloo ku jira maadada Nicotin-ka oo sababta in la qabatimo sigaarkaย  jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.

Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney sii yaraan karto.

Cabista Sigaarka & Saameynta Caafimaadka

Cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada waxay sababaan 25 cudur ku dhawaad waxaana ka mid ah kuwaย  ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD) (Sambabka oo weynaada ama adkaada Emphysema iyo Chronic Bronchites); wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xametida, xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma laโ€™aanta ragga iyo haweenka. Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo.

Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).

Wuxuu kaloo caawiyaa ย cudurka gastritis wuxuuna badiyaaย  laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer).

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.

Dhalinyarada daโ€™dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa daโ€™doodu ka weyn tahayย  20 sanno dhinaca dhimashada deg degga ah.

Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho laโ€™aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhacda taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.

Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhahaย  taasoo sababi kara indha laโ€™aan, Maqalka dhagahana wuxuu u keenaa dhego laโ€™aan, sidoo kale wuxuu sababaa midabdoorsiga ku dhaca Maqaarka, wuxuunaย  wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Waxyeelada Sigaarka iyo Tubaakada

Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) sida guryaha caruurtuย  joogaan ama goobaha bulshada isugu timaaddo kuwaasoo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkooda lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO)ย  wuxuu horey u soo saaray Qaraarย  mamnuucaaya cabista sigaarka ee goobaha bulshadu ay ku kulmaan sida: suuqyada, garoomada, goobaha waxbarashada, hotellada & maqaayadaha, basaska & baabuurta kale. Sidoo kale waxaa reebban xayeysiinta, suuq-geynta sigaarka iyo tubaakadabaย  looga sameeyo Iddacadaha, telefishinnada, iyo baraha bulshada.

Waxaa kaloo jirta in canshuurta tubaakada iyo sigaarka kor loo qaado si loo yareeyo isticmaalkooda loona daryeelo caafimaadka bulshada.

Bulshada Soomaaliyeed 30kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada daโ€™da yar. Waxaa kaloo kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo ku keeni karaaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.

BAAQ

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo iyo iyagoo sababaaya khatartii caafimaad ee aan kor ku soo sheegnay.

W/Q/ Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Kullane oo ka qeyb galay furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta 2023

Beijing,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinahaย  Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay munaasabadda furitaanka…

GudahaWararka
September 26, 2023

Ciidanka sirdoonka qaranka oo howlgal qorsheysan ku burburiyay xaruntii kaydka hubka Khawaarijta ee Buq-aqable

Beledweyne-(SONNA)-Howlgal galinkii dambe ee maanta ay si wadajir ahย  Gobolka Hiiraan uga fuliyeen ciidanka sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah…

GudahaWararka
January 27, 2024

MADAXDA GOLAHA WADATASHIGA QARAN EE DOORASHOOYINKA OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY GUDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

MADAXDA GOLAHA WADATASHIGA QARAN EE DOORASHOOYINKA OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY GUDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA Muqdisho, Maarso 23, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

Gudaha
March 23, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Itoobiya uga qeybgalay shirka Eapcco

Addis ababa-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto. Sulub axmed Firin iyo wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Dalka Itoobiya…

GudahaWararka
May 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023