Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka taageereysa dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka taageereysa dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha
GudahaWararka

Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka taageereysa dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

By Khadar Mahdi
Last updated: April 7, 2024
9 Min Read
Share

Makkah, (SONNA):- Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa war-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, wuxuuna u dhignaa sida tan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya 27-kii Ramadaan 1445-tii Hijriyada, oo ku beeganayd 6-da Abriil 2024-ka. ka dib Casuumaad uu ka helay Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa ku qaabilay Qasriga Al-Safa ee magaalada Makka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halkaas oo ay ku yeesheen kulan rasmi ah oo ay uga wadahadleen arrimo dhowr ah.

Labada hogaamiye ayaa dib u eegis ku sameeyay xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo kulanka la isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda guud ee gobolka iyo tan caalamkaba.

Dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga: Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah si kor loogu qaado is dhaafsiga ganacsiga. 

Waxay tooshka ku ifiyeen koboca ku yimid ganacsiga ka dhaxeeya labada dal sanadka 2022 oo gaaraya ilaa 105% markii loo barbar dhigo sanadka 2021,iyo fursadaha ay abuuri karto aragtida Sucuudiga 2030, si kor loogu qaado iskaashiga labada dal. 

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo is dhaafsiga maalgashi ee ka dhaxeeya, gaar ahaan dhanka: Beeraha, Xoolaha, Kaluumeysiga, Gaadiidka, iyo Dekedaha.

Labada dhinac ayaa soo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay shir-madaxeedka Sacuudiga iyo Soomaaliya, kaasi oo barbar socday shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca Tamarta: Labada dhinac waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida suuqyada Caalamiga ah ee shidaalka, waxayna Soomaaliya soo dhaweysay doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan taageeridda isu-dheellitirka  suuqyada Caalamiga ah ee shidaalka.

Dhinaca Isbeddelka Cimilada: Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo mabaadi’da Axdiga Guud ee Isbeddelka Cimilada iyo heshiiskii Paris, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay horumarinta iyo hirgelinta heshiisyada cimilada. 

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweeysay qorshaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee loogu magac daray “Bariga Dhexe ee Cagaaran”, waxayna taageero u muujiyeen dadaallada Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isbedelka cimilada.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada soo socda: (1) Korontada iyo tamarta (2) Bixinta waxyaabaha laga soo saaro batroolka. (3) Beeraha iyo haqab-beelka cuntada. (4) Isgaarsiinta, tignoolajiyada, iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah. (5) Garsoorka iyo Cadaaladda. (6) Dekedaha, iyo Duulista Rayidka. (7) Dhaqanka. (8) Ciyaaraha. (9) Horumarinta bulshada. (10) Waxbarashada. (11) Warbaahinta. (12) Sahanka dhulka iyo macdanta.

Dhanka Difaaca iyo Amniga: Waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga ee hadda jira oo ku aadan la dagaalanka dambiyada nooc kasta oo ay yihiin, iyo in la qaado tallaabo kasta oo ka qayb qaadanaysa ka hortagga dembiyada tahriibka iyo la dagaallanka argagixisada iyo maalgelintooda, waxayna isla meel dhigeen in la is dhaafsado xogaha la xiriira la dagaallanka argagixisada, lana faafiyo dhaqanka dhexdhexaadnimada iyo dulqaadka.

Waxay kaloo caddeeyeen inay ka go’antahay xoojinta isku-dubbaridka iyo iskaashiga u dhexeeya si ay ula dagaallamaan dambiyada musuqmaasuqa, maxkamadaynta dembiilayaasha, iyo dib-usoo celinta dakhliga ka soo baxa dembiyada musuqmaasuqa, iyada oo loo marayo hay’adaha (GlobE Network).

Boqortooyada ayaa soo dhaweysay isbedelada ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xorreynta deegaanka badan oo ka mid ah dalka, waxayna bogaadisay horumarka ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka AS. 

Waxayna ugu baaqday Beesha Caalamka inay Soomaaliya ka taageerto sidii loo dhameystiri lahaa howlgalka lagu ciribtirayo argagixisada. Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale soo dhaweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku qaaday cunaqabateynta hubka ee saaranayd Soomaaliya, kaasoo awood siinaya ciidamada Soomaaliya inay mas’uuliyadda amniga la wareegaan ka dib bixitaanka ciidamada ATMIS.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale soo dhaweysay dayn cafinta Soomaaliya, ka dib markii ay ku guuleystay dowladda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, taasoo xoojisay kalsoonida ay hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ee ku qabaan dalka.

Heshiis-beenaadkii Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland: Boqortooyada  Sacuudiga ayaa caddaysay inay u taagantahay midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda oo idil.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa caddeeyay inay ku dhegan yihiin go’aankii Jaamacadda Carabta ee ku taariikhaysnaa 1/17/2024, ee ku aadana taageerida amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen inay lama huraan tahay in loo hogaansamo mabaadii’da deris-wanaagga, lagana fogaado dhibaatooyinka ka dhalan kara colaadaha, lagana shaqeeyo wax kasta oo lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, si kor loogu qaado iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Xaaladda Falastiin: Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wadahadlay xaaladda Falastiin, waxayna muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin musiibada bini’aadantinimo ee ka taagan Marinka Qasa, iyo weerarrada bahalnimada ah ee maamulka gumaysiga Israa’iil ku wadaan Marinka, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo rayid ah oo aan waxba galabsan, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la joojiyo duulaanka, lana ilaaliyo dadka rayidka ah.

Waxay sidoo kale ku baaqeen hay’adaha samafalka inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan bixinta gargaarka bini’aadantinimo iyo in beesha caalamku ay ka ciyaarto sidii loo soo afjari lahaa xadgudubyada Israa’iil, waxayna si weyn u soo dhaweeyeen go’aankii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa xabbad-joojin ka dhacda Qasa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaallada lagu doonayo in xal dhameystiran laga gaaro qadiyada Falastiin si waafaqsan mabda’a xalka labada dawladood, Hindisaha Nabadda Carabta, iyo go’aamada sharci ee caalamiga ah ee la xiriira, si loo dammaanad qaado xaqa dadka Falastiiniyiinta ah ay u leeyihiin inay dhistaan ​​​​dawlad madax-bannaan oo Caasimad u ah bariga Quddus.

Xiisada Yemen: labada dhinac waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lagu doonayo in xal siyaasadeed laga gaaro xiisadda Yemen, iyadoo dhinaca Soomaaliyana ay bogaadiyeen dadaalka Sacuudiga ee ku aaddan dhiirigelinta wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta Yemen iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo dhammaan gobollada Yemen. 

Waxay xaqiijiyeen muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka Badda Cas, taasoo ah in xorriyadda isu-socodka ay tahay baahi caalami ah maadaama ay ku xiran tahay danaha dalalka Caalamka oo idil, waxayna ku baaqeen in la xakameeyo lagana fogaado hurinta colaadda, iyada oo laga shidaal qaadanaya xiisada ka taagan gobolka.

Xiisada Suudaan: Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku haya Suudaan inay soo afjaraan colaadda u dhexeysa, waxayna sidoo kale soo dhaweeyeen waxyaabihii ay labada dhinac ku heshiiyeen wadahadalladii Jeddah (2 ) Noofambar 7, 2023, oo ay ka mid tahay in la qaado tillaabooyin lagu fududeynayo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo iyo hirgelinta tillaabooyin gacan ka geysanaysa yareynta dhibaatada dadka Suudaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebagebadii booqashadani uga mahadceliyay, Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-Sugaha Maxamed Bin Salman, soo dhaweynta wanaagsan ee loo fidiyay isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale, Amiir Maxamed Bin Salman ayaa nabad, horumar iyo baraare u rajeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeedba.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Dastuurka oo kulan wada tashi ah la qaadatay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed +Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Shir wadatashi ah oo ku saabsan aragtida iyo talada culumada kuna aaddan dib u eegista dastuurka oo ay soo qabanqaabisay…

Wararka
November 13, 2019

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay shirka hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta

Muqdishu(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa…

GudahaWararka
April 9, 2025

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Kismaayo-(SONNA)-Ciidanka kumaandooska XDS ee Danab ayaa dilay horjooge Maxamed Xuseen “Abuu Muxsin” oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo…

Wararka
February 5, 2020

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixayay Miisaaniyadda sanadka 2024

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad uu…

GudahaWararka
December 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023