Muqdisho (SONNA)-Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaa dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,taas oo ku saabsan munaasabadda sannad-guurada 60-aad ee madax-bannaanida goballada Koofureed ee dalka iyo Midowgii labada gobol eeย Waqooyi iyo Koofur.
Hambalyada ayaa lagu yiri โBoqorka isaga oo ku hadlaya magaca, shacabkaย iyo dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuuย bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxwayanaha iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo u rajeyanayaย farxad, degganaansho iyo nabad waartaโ