Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha
GudahaWararka

Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha

By Abdulkadir
Last updated: May 26, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Danbi-baarayaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayuu usoo dhamaadey tababar socday muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa baaritaanka faraha iyo aruurinta cadeymaha.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen ciidamada booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana ujeedadiisu ahayd in saraakiisha la siiyo xirfado iyo aqoon ay ku baari karaan kiisaska dambiyada culus ee ay gacanta ku hayaan.

Kooxda dambi baadhayaasha ayaa qaatay mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururinta faraha ee goobaha dembiyada, falanqaynta iyo is waafajinta faraha iyo kaydka xogta oo muhiim u ah aqoonsiga iyo soo qabashada dembiilayaasha.

โ€œTababarkan waa mid muhiim u ah saraakiisheena sababtoo ah waxa ay ka caawineysaa in ay si fudud u baaraan dambiyada lagaley ama la gali rabo isla markaana soo qabtaan la tuhmayaasha. Sidaa darteed waxaan ku boorinayaa ka qaybgalayaasha inay aad ah ugu fiirsadaan, oo ay diiradda saaraan ugu dambayna ay adeegsadaan xirfadihii ay barteen si ay waajibaadkooda u gutaan,โ€ ayuu yiri Xidigle Axmed Cabdulle Madoobe, taliye ku-xigeenka saldhigga booliiska garoonka Jowhar.

Xidigle Madoobe ayaa uga mahadceliyey ATMIS qabashadeeda tababarka, isagoo xusay in โ€œay u sahli doonto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay si hufan oo xirfad leh u baaraan dambiyadaโ€.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar, ASP Earnest Agbo, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka tababarka ee kor u qaadista xirfadaha baarista ee saraakiisha si ay u maareeyaan kiisaska dembiyada adag ee loo adeegsado hababka cilmiga casriga ah.

โ€œAqoonta gaarka ah ee la helay waxay wax badan ka tari doontaa caawinta booliska si ay u aqoonsadaan tuhmanayaasha una xalliyaan dembiyada adag, taasoo taageereysa raadinta Soomaaliya nabadda oo xasilloon. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan siinnay saaxiibadeena Soomaaliyeed xirfadaha muhiimka u ah baaritaannada iyo masโ€™uuliyadda sharci fulinta,โ€ ayuu ASP Agbo ka sheegay xafladda xiritaanka tababarka.

C/llaahi Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha tababarka ayaa uga mahadceliyay ATMIS qaban qaabada tababarka, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo dadaallada lagu kobcinayo tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u sameeyaan baaritaanno xirfadeysan.

โ€œWaan ku faraxsanahay inaan ka qayb galo tababarkan ku saabsan baaritaanka faraha, waxaana ka helay xirfado qiimo leh. Sidoo kale Waxaan u mahadcelinayaa ATMIS oo kaashaneysa Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo soo qaban qaabiyey hidisahan qiimaha badan lehโ€ ayuu yiri Cabdullaahi.

ATMIS ayaa tababaro la mid ah kan oo kor loogu qaadayo tayada Booliska Soomaaliyeed u qabatay Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada kale ee Federaalka sida Baydhabo (Koonfur Galbeed), Kismaayo (Dowlad Goboleedka Jubbaland) iyo Caasimadda Muqdisho. si loo horumariyo tayada booliska Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laba jibbaaray howlaha amni ee Caasimadda

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto; Sulub Axmed Firin, ayaa xalay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska kala qeyb galay afur…

GudahaWararka
April 9, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyeyaasha degmooyinka faray dardar gelinta diiwaangelinta

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dawladda Hoose ku shir-guddoomiyay…

GudahaWararka
July 17, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas

Madaxweyne Ku xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan kula qaatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan…

Wararka
December 2, 2020

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Muqdisho,(SONNA):- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi…

GudahaWararka
August 31, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023