Muqdisho (SONNA):- Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir oo amar ka soo baxay ayaa dhamaan wadayaasha Moota Bajaajta ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda waxaa laga mamnuucay Beensalka muraayada hore ee Bajaajta lagu xiro.
Amarka ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay sababa amni dartood in loo joojiyay, iyada oo la faray wadayaasha Mooto Bajaajta in uu dhaqan galayo amarkaan maalinta Axadaย oo ay taariikhdu ku beegantahayย January 13, 2024-ka.
Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir ayaa Wadayaasha iyo Milkiilayaasha mootooyinka ku adkeeyey in ay u hoggaansamaan faritaanada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Bulshada, iyada oo uu talisku sheegay ciddii u hoggaansami weysa loo qaadandoona in ay amniga lid ku tahay