Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka 
    November 16, 2025
    Wasiirka Caafimaadka oo xilka u kala warejiyay Agaasimaha cusub ee isbitaal Banaadir iyo Agaasimihii hore
    November 16, 2025
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose
    November 16, 2025
    Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid
    November 16, 2025
    Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta
    November 15, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
MaqaalladaWararka

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

By Abdulkadir
Last updated: November 16, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);- Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo si rasmi ah looga bilaabay bixinta kaararka codbixinta degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Tani waxay astaan u tahay bilowga marxalad cusub oo siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, ka-qaybgal bulsho iyo dimuqraadiyad dhab ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa shaaciyay in bixinta kaararka codbixinta laga bilaabay toddobo degmo oo ka mid ah caasimadda. Ku dhawaad hal milyan oo qof oo horey isaga diiwaangeliyay magaalada Muqdisho ayaa hadda fursad u helaya inay qaataan kaararkooda si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo ee codbixinta.

Golayaasha deegaanka—oo doorashadoodu tahay tiir-dhexaadka nidaamka dowlad-dhiska heer hoose—ayaa mas’uul ka ah adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, qorsheynta horumarinta degmooyinka, ilaalinta nadaafadda, amniga deegaanka iyo daryeelka xuquuqda muwaadiniinta. Doorashada ay shacabka si toos ah ugu codeynayaan mas’uuliyiintooda waxaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo in maamulka loo soo dhoweeyo bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo booqday xarunta Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay xukuumaddu uga go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu yiri:
“Waxaan ku kalsoonahay shacabkeenna oo ay gacantooda ku jirto codbixinta. Qofka rumeysan Allaah kadibna ku kalsoon shacabkiisa, ma aaminsani in meel xun ay dhigayaan.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay fursaddan ka faa’iideystaan oo ay qaataan kaararkooda, si ay doorashadooda u gutaan, maadaama uu dastuurku sidaas farayo.”

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shacabka gobolka Banaadir ugu baaqay inay si firfircoon uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaadashada kaarka codbixinta.

Doorashada golaha deegaanka ee ka socota caasimadda waxaa lagu tilmaamay tallaabo dhabbaha u xaareysa nidaam dowladnimo oo hufan, oo ka bilaabma heer hoose kuna dhisan xasillooni, maamul wanaag iyo horumar waara. Hirgelinta nidaamkan cusub ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay u socoto jihada ay bulshadeedu muddo dheer sugaysay—doorasho toos ah oo codka shacabku saldhig u yahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka 

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee…

November 16, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka oo soo xiraay wadatashi ku saabsan xeer-nidaamiyaha sharciyada hay’adda

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed mudne Axmed Siciid Maxamed ayaa maanta u soo xiray Madaxda…

GudahaWararka
November 8, 2023

Shiinaha oo ku biiraya xarunta COVAX ee ka hortagga Covid 19

Shiinaha ayaa si rasmi ah u saxiixday heshiiska ku biirista Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, si…

Wararka
October 9, 2020

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Japan uga mahadceliyay qalabka ka hortagga Walxaha Qarxa

Muqdisho (SONNA) -Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Japan agab ay ugu deeqday…

Wararka
November 21, 2024

Sacuudiga oo martigalinaya shirka ganacsatada Dalalka Carabta iyo Shiinaha

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in 11-ka June  ee Axadda soo socota uu martigaliyo kalfadhiga tobnaad ee shirweynaha ganacsatada…

Gudaha
June 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023