Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
MaqaalladaWararka

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

By Abdulkadir
Last updated: November 16, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);- Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo si rasmi ah looga bilaabay bixinta kaararka codbixinta degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Tani waxay astaan u tahay bilowga marxalad cusub oo siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, ka-qaybgal bulsho iyo dimuqraadiyad dhab ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa shaaciyay in bixinta kaararka codbixinta laga bilaabay toddobo degmo oo ka mid ah caasimadda. Ku dhawaad hal milyan oo qof oo horey isaga diiwaangeliyay magaalada Muqdisho ayaa hadda fursad u helaya inay qaataan kaararkooda si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo ee codbixinta.

Golayaasha deegaanka—oo doorashadoodu tahay tiir-dhexaadka nidaamka dowlad-dhiska heer hoose—ayaa mas’uul ka ah adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, qorsheynta horumarinta degmooyinka, ilaalinta nadaafadda, amniga deegaanka iyo daryeelka xuquuqda muwaadiniinta. Doorashada ay shacabka si toos ah ugu codeynayaan mas’uuliyiintooda waxaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo in maamulka loo soo dhoweeyo bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo booqday xarunta Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay xukuumaddu uga go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu yiri:
“Waxaan ku kalsoonahay shacabkeenna oo ay gacantooda ku jirto codbixinta. Qofka rumeysan Allaah kadibna ku kalsoon shacabkiisa, ma aaminsani in meel xun ay dhigayaan.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay fursaddan ka faa’iideystaan oo ay qaataan kaararkooda, si ay doorashadooda u gutaan, maadaama uu dastuurku sidaas farayo.”

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shacabka gobolka Banaadir ugu baaqay inay si firfircoon uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaadashada kaarka codbixinta.

Doorashada golaha deegaanka ee ka socota caasimadda waxaa lagu tilmaamay tallaabo dhabbaha u xaareysa nidaam dowladnimo oo hufan, oo ka bilaabma heer hoose kuna dhisan xasillooni, maamul wanaag iyo horumar waara. Hirgelinta nidaamkan cusub ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay u socoto jihada ay bulshadeedu muddo dheer sugaysay—doorasho toos ah oo codka shacabku saldhig u yahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda iyo James Swan oo ka hadlay habeynta iyo hormarka Maaliyadda Dalka+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane ; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan laqaatay Wakiilka Qamada Midoobe ee Soomaaliya Ambassador James…

Wararka
December 12, 2019

Xubno ka tirsana Khawaarijta oo isku dhiibay Ciidanka Galmudug

Muqdisho (SONNA) Labo xubnood oo ka tirsan khawaarijta ayaa isu soo dhiibay ciidmada Daraawiishta Galmudug ee ku sugan magaalada Bacadweyne…

GudahaWararka
April 1, 2023

Guddiga isku-xirka hirgelinta siyaasadda qaran ee Teknolojiyada oo hawl-billaabay xilli baahi weyn loo qabo

Muqdisho,(SONNA) -Guddiga Isku-xirka Qaran ee Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyagoo ka wada…

Wararka
April 25, 2020

Taliyaha cusub ee guutada Abuu Dujaana oo xilka la wareegay

Muqdisho (SONNA): Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka Jeneral Cabdullaahi Aaden (Cirro) ayaa xilka u kala wareejiyey taliyihii hore ee ciidamada…

GudahaWararka
March 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023