Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta
    April 19, 2026
    Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shir muhiim ah
    April 19, 2026
    Shirweynihii Baarlamaannada Adduunka oo lagu soo gebo-gebeeyay Turkiga
    April 19, 2026
    Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah
    April 19, 2026
    Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay 
    April 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Billowga Ololaha Doorashooyinka ee Gobolka Banaadir: Talaabo Taariikhi ah oo lagu xoojinayo Maamulka hoose
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Billowga Ololaha Doorashooyinka ee Gobolka Banaadir: Talaabo Taariikhi ah oo lagu xoojinayo Maamulka hoose
GudahaWararka

Billowga Ololaha Doorashooyinka ee Gobolka Banaadir: Talaabo Taariikhi ah oo lagu xoojinayo Maamulka hoose

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 12, 2025
4 Min Read
Share

Faallo: Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u billaabay ololaha doorashooyinka deegaanka, iyadoo la diyaarinayo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado in la qabto 30-ka bisha November ee sanadkan.

Tallaabbadani waa mid taariikhi ah oo aan hore loo arag ku dhawaad nus Qarni, taas oo muujinaysa isbeddel weyn ee  ku saabsan ka-qaybgalka shacabka iyo xoojinta nidaamka maamulka hoose ee caasimadda Muqdisho, si  loo doorto maamul hoosaadka degmoonka Gobolka Banaadir.

Doorashadan ayaa imaneysa kadib muddo dheer oo uu dalka ka jiray nidaam maamul dhexe ah, waxayna fursad cusub siisneysaa  shacabka Muqdisho in ay si toos ah u doortaan wakiilladooda golayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, taas oo calaamad u ah bisaylka iyo koboca nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Maalmihii  la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday ol-ole xooggan oo ay wadaan xisbiyada siyaasadeed, kuwaas oo si tartan ah ugu diyaar garoobaya doorashada, iyadoo sidoo kale la diiwaangeliyey kumannaan qof oo muwaaddiniin ah, kuwaas oo horey isugu qoray liiska codbixiyayaasha si ay uga qaybqaataan doorashada soo socota.

Dhinaca kale, Xisbiga Caddaaladda iyo Wada jirka (JSP) ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu u doortay Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha hadda ee Gobolka Banaadir in uu noqdo musharraxa rasmiga ah ee xisbiga u tartamaya xilka Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa Muqdisho.

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xulashada Dr. Muungaab ay timid iyadoo lagu qiimeeyay khibraddiisa maamul iyo dadaalkiisa muuqda ee ku aaddan horumarinta Caasimadda.

Dhankiisa, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax, oo ka tirsan isla xisbiga, ayaa sheegay in doorashada hoggaanka Gobolka Banaadir ay tahay tallaabo dimuqraadiyadeed oo muhiim ah, isla markaana uu rajaynayo in xisbiyada Qaran ay keeni doonaan isbeddel la taaban karo oo muuqda.

Dr. Muungaab, oo ah musharraxa xisbiga, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin dowlad casri ah oo leh karti, daahfurnaan, iyo tartan dhanka horumarka ah.

Dhanka kale, Xisbiga Dadka Soomaaliyeed ayaa isna si rasmi ah u billaabay ololihiisa doorasho, iyadoo xafladdiisa lagu qabtay barxadda Taallada Daljirka Dahsoon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Boqollaal taageerayaal ah ayaa goobta isugu yimid, iyagoo muujinaya xiise iyo kalgacal siyaasadeed oo xoog leh.

Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Cali Maxamed Nuux, ayaa isna sheegay haddii ay shacabku codkooda ku aaminaan, ay kor u qaadi doonaan mushaharka ciidanka, isla markaana ay mudnaanta siin doonaan baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee xisbiga, Mudane Maxamed Nuur Jeelle, ayaa sheegay in xisbigu diiradda saari doono daryeelka bulshada nugul iyo dadka la haybsooco, halka Afhayeenka xisbiga, Mudane Cabdullaahi Maxamed Aadan uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda mabda’a  “Hal qof iyo hal cod”, taas oo uu ku tilmaamay dammaanad lagu xaqiijinayo caddaaladda doorashada.

Doorashadaan lagu wado in ay ka dhacdo Gobolka Banaadir waxay astaan u tahay horumarka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna xoojinaysaa nidaamka maamul hoose iyo ka-qaybgalka shacabka ee dhismaha mustaqbalka Caasimaddooda, iyagoo codkooda ku muujinaya rabitaankooda siyaasadeed iyo hiigsigooda horumarineed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka duulaya xogo sirdoon ayaa hawlgal…

April 19, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubno ka mid ah guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda oo loo soo xiray tababar

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Diiwaangelinta iyo Tababaradda Mudane Axmed Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ayaa manta shaqaalaha Guddiga u soo xiray tababar…

GudahaWararka
March 8, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Riyaad kaga qeybgalay Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca wadamada Islaamka (IMCTC)

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad…

GudahaWararka
February 4, 2024

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Jabuuri (SONNA): Dowladda Jabuuti qoraal ka soo baxay ayaa lagu yiri " Dowladda Jabauuti oo ah gudoonka wareegga ee IGAD…

Wararka
January 8, 2024

Dowladda Türkiye oo si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay xerada Jeneraal Gordan

Ankara (SONNA):- Dowladda Türkiye ayaa si kulul u cambaareysay falkii Argagixiso ee shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada…

GudahaWararka
February 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023