Macallin Ibraahin ayaa waraabinta beertiisa u isticmaali jiray ceel-biyood uu saaray matoor si uu ugu waraabiyo beer ay ka baxdo qudaarta oo uu lahaa, balse wuxuu sheegay in laga dhacay matoorki uu u isticmaali jiray waraabka.
Beeraleyda Xuddur ayaa sheegay in ay kordhiyeen wax soo saarka beeraha, hase ahaatee waxey tilmaameen in ay meesha ka maqantahay kaalinta wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Koonfur galbeed iyo hayโadaha kale ee ay quseyso.
Beeraha degmada Xuddur ayaa waxaa ku tiirsan bulsho farabadan noloshooda, balse waxaa soo wajahay dhibaatooyin kaga yimid tuugo caadeysatay dhaca beerahooda, waxeyna maamulka degmada iyo kan gobolka ka codsadeen in ay wax ka qabtaan arrintaan.