Hobyo-(SONNA) Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug Maxamuud Maxamed Cawaale oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ayaa sheegay in xilligaan horumarro ballaaran ay ka socdaan magaalo xeebeedka Hobyo,isla markaana bulshada deegaanka ay si isxilqaan ah ku dhisteen xarumaha danta guud ee dagmada.
Dhanka kale bulshada degmada ayaa qayb wayn ka qaatay sidii loo sugi lahaa nabad galyada deegaanka ,taasina waxaa suurtagaliyay dadka deegaanka oo ku baraarugsan muhiimadda magaalada ee dhinacyada badan leh.
Gudoomiye Kuxigeenka degmada Hobyo waxuu ka ka dalbaday shacbiga dagmada in ay ka qayb qataan sidii loo maal gashan lahaa magaalada, ayna soo dhaweynayaan ka maamul ahaan cid walba oo ka qayb qaadanaysa sidii loo hormarinlahaa magaalada hobyo “Isku tashiga bulshada deegaanka ayaa horseeday horumarada ka socda xarumaha dawladda ee Hobyo oo dayactir lagu sameeyey” sidaana waxaa yiri gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug Maxamuud Maxamed Cawaale
Hobyo waa magaalo istiraatiiji ah oo taariikh facweyn leh, waxaana ay leedahay dekad aan wali la dayactirin iyo xarumo dawladeed madax kala duwan oo dawladda federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ayaa booqday magaalada ,waxaana magaalada ay u muuqanaysaa xiliggaan mid ka soo kabanaysa daruufihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray sida uu yiri Maxamuud Maxmaed Cawaale, guddoomiye ku xigeenka demada Hobyo.