In mudda ah waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhib iyo handadaad ku hayay Kooxda caadeysatay daadinta dhiigga dadka muslimiinta,ayagoo u aabayeeleynin waayeel,indheer-garad, Culumo, Carruur iyo Haweyn midna, waxayna in muddo ah ku ganbanayayeen magaca diinteenna Islaamka ah ee Xurmeysa dhiigga Islaamka,waxay kooxdaan khawaarijta ku dhuumaleysanayeen inka badan 10-sano inta badan goballada koonfurta sida Hirshabeele, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Muddooyinkii dambe waxay ku bilaabeen Ganacsata in ay ka qaadaan lacago baad ah oo u diiday dadka Soomaliyeed horumar iyo in ay wax qabsadaan ugu dambeyn waxay gaareen in ay dadka ku qasbaan fikradooda guracan ee takfiiriga ah, waxay si qasab ah u marin habaabinayeen dadka wax magaratada iyo kuwa dhimirka laโ, ayagoo isticmaalayay dhagridda Shacabka,duruufaha ay ku hayeen xoola dhaqatada `Beeraleyda iyo Ganacsatada,waxay sababeen kacdoon Shacab oo ay isaga dulqaadayaan heeryada Kooxdan Khawaarijta ah ee dhaqanka Islaamka ka been abuurtay.
Waxaa isbiirsaday baraaruga shacaka iyo tageerada Ciidanka Qalabka sida, ayadoo laga dhabeynayo Siyaasada Madaxweyne Xasan sheikh ee la dagaalanka Khawaarijta, waxaa guluf dagaal mar qura ka bilowday dabayaaqadi Bisha July ee Sandkan 2022, ayadoo dagaalada dib u xorreynta ah ay ka dhaceen magaalooyin waawayn iyo tuulooyin ka tirsan maamulada Gal-mudug iyo Hir-shabelle.
Halganka Shacabka iyo taageerada ciidanka waxay sababtay in laga saaro kooxda khawaarijta magaalooyin waawayn oo ay xoog ku heysteen 10kii sano ee ugu dambeeysay, kooxaha khawaarijta waxaa soo gaaray Jab-xoogan tan iyo markii la doortay Md. Xassan Sheekh maxamuud, waxay waayeen mintidiin badan kuwana waxaa lagu qabtay nolasha qaar-badan oo ka mid ahna way isoo dhiibeen. Howl-galka sifeynta iyo Xorreynta, waxaa lagu dilay horjoogayal waa wayn oo ka tirsan dhagar-qabayaasha kooxda khawarijta ah ee Al-shabaab.
Waxaa laga xorreyay magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ka tirsanaa Hir-shabeelle, waxaa xor ah hadda oo la isugu gudbi karaa magalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Raage-Ceele, Aadan Yabaal iyo Ruun-Nirgood oo ah degmadii ugu dambeeyay ee lagu xorreeyo khawaarijta ee gobalka Shabeelada dhexe, waxaa sidoo kale laga xoreeyay degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan sida Ceel-Hareeri,Moqokori,Buulaburte Matabaan iyo Yasooman oo ah dhul aad u baaxad wayn oo ka tirsan gobalka Hiraan, waxaa sidoo kale laga xorreyay degmooyin ka tirsan Galmudugย sida Wabxo, Wisil iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug,waxaana maalmaha soo socdo laga ciribtiri doonta degaannada fara ku tiriska ay ka joogaan Galmudug.
Booqashooyin dhiirigelinta oo ay ku tageen madaxda qaranka deegannadii laga xorreyay kooxda Khawaarijta. Dagaalka Khawaarijta lala galay kaliya maaha midka deeganada waxaa sidoo kale dowlada gacanta ku dhigtay Shabakado iyo koox qaabilsanaa baadda ย laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaliyeed,waxaa dabagal joogta ah lagu hayaa shakhsiyaad iyo shirkado xiriir dhaw la lahaa kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab.
Dowladda uu hoggaamiyo madaweyne Xasan Sheekh waxaa ka goโรกn la dagaalanka khawaarijta Al-shabaab iyo ciribtirkooda,waxayna hadda shacabka degaannada laga xoreeyay gacanta cadowga ay dareemayaan nabad iyo barwaaqo, sidoo kale, waxay ku faraxsan yihiin in ay muddo 10-sano ka badan ka dib, harsadaan dallada harka qabow ee dowladnimada.