Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: “BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH” )WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > “BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH” )WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

“BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH” )WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 26, 2023
7 Min Read
Share

Inta aannu u gudagalin dulucda warbixinteenna maanta aan bal dib u milicsanno taariikh ahaan waa magaalo ceynkee ah Degmada Ceelbuur? Waa magaalo kulansatay Qurux iyo hanaan wanaagsan markii aad eegto biyaha dur duraya ee dhex ceegaaga bartankeeda iyo jawiga u goonida ah oo ay leedahay, sidoo kale degmada Ceelbuur waxaa ku yaalo Xarunta ciidanka guutada 22 aad ee malatariga xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo xarada Caano Moog, waana Degmada qadiimiga ah e Ceelbuur taariikh deedu waxa ay ka badan tahay 900 sano.

Ceelbuur waxa ay taariikh ahaan diiwaangelisay magacan Qarnigii 13 aad, waxa ayna boqortooyadii Ujuuraan u noqotay magaalada Ganacsiga, Billowga xilligii Maxmiyadda, 7 deegaan oo Shabeelle hoos tagto ayay ugu diiwan gashaneyd Gumaystihii, waxaana isku hardiyay Taliyaaniga iyo Koox Daacad u ahayd Sheikh Hassan Barsane. Ilaa 1926 ayay ahayd degmo waxa ayna fac ahaan ka weyn tahay goballo diiwaanka galay degmanimadeeda kadib, xilligaas Mudug ayaa loo tiriyay halka maanta ay Galgaduud ka tahay.

Haddaba Afar Arrimood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur:- 1. Kacdoonkii Gumeysi Diidka, 2. Degmadii ugu horreysay ee gabar ay iska sharaxdo, 3. Dhagax dhoobada cad ee laga sameeyo Burjikada, iyo 4. Geedka caanka ah ee Ceelbuur ku yaale.

Gelinkii dambe ee 26-kii Maarso 2012-kii, ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa Ahlu Sunna Waljameeca (ASWJ) ayaa magaalada Ceelbuur  ka qabsaday Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo maalin socday, Qabsashadii Ceelbuur ka dib, Khawaarijtii Shabaab ee ku sugnaa magaalada ayaa si fudud u bilaabay inay la noolaadaan dadka rayidka ah, waxayna dib ugu milmeen maleeshiyo beeleedyo, taasoo keentay in la aqoonsado kooxaha nabad diidka ah.

Haddaan gudagalo qormada, Dagaalka Khawaarijta looma kala harin, waxaa shalay galabtay duleedka magaalada Gaalkacyo gaaray   Mas’uuliyiin uu hogaaminayay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Md. Axmed Xasan Aadan iyo ciidamo ka soo kicitimey magaalada Mirjiicley ee gobolka Galgaduud,  kuwaasi oo ku wajahan Aagga Wisil, waxayna qeyb ka yihiin gulufka bariga Mudug iyo deegaanada kale looga xoraynayo kooxaha gabalkoodu sii dhacayo ee Khawaarijta, marka Khawaarijtii joogitaan uguma harin dhulkaan.

Hambalyo Geesiyaasha Ciidamada Qaranka iyo ciidamada degaanada Hirshabeele iyo Galmudug, Hambalyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan u dabaaldageynaa guulaha sida is daba joogga ah ee ay gaareen ciidamada Qaranka iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan (Macaawisleyda), sidoo kale waxaa bogaadin mudan hoggaanka Dalka, Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo u istaagay in dalka laga xureeyo Khawaarijta Al-shabaab, sidaasi awgeedna  waa inaan loo kala harin sifeynta Khawaarijta, lana xaqiijiyo sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Insha Allaah.

Shalay waxay Ciidamada qalabka Sida ku jimceysteen Magalada Ceelbuur, islamarkana ay Salaadda ku Oogeen, kadib markii ay Ciidanka xoogga dalka  oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta  Magaaladaasi, waxaana laga wadaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo, “Ciidanku waxay gudaha u galeen magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada”, ayaa lagu yiri War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib markii ay si buuxda gacanta ugu dhigeen oo ay kala wareegeen Argagixisada Khawaarijta ah ee Al shabaab, Ceelbuur ayaa aheyd goobtii ugu weyneed ee khawaarijta ay ka joogeen Galmudug iyo Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guuaale oo haatan ku sugan gudaha magaaladaasi, islamarkaana Xalay ku hoyday, saakana ka soo toosay ayaa yiri:-  ”waxaan shalay ka qadeeyay Ceelbuur oo aan si nabad ah kula wareegnay, xalayna waa seexday, saakana waa ka soo toosay, howshuna si caadi ah ayay u socotaa”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa   hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka Qaranka ee furimahadagaalka ku baacsanaya haraaga kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee uu dhamaaday waqtigooda, wuxuuna intaasi raaciyay in uu sidoo kale hambalyo u jeediyay Xildhibaanada Qaranka ee ku maqan furimaha dagaalka, isla markaana dhiirigalinaya  ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

Sheekha Aadan ayaa ku baaqay in Dowlad-goboleedyada ay u istaagaan ka qeybgalka abaabulka ku aadan Wejiga labaad ee khawaarijta looga sifeynayo gudaha dalka, isagoo intaa raaciyay in ay mudan yihiin in loo Boogaadiyay, maadaama ay  naftooda ay u hurayaan  xoreynta dadka iyo dalka Sommaaliyeed, wuxuuna ugu dambeyntii ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan  ciidamada , isla markaana ay ka qeybgalaan dhameystirka haraaga khawaarijta.

20 Habeen oo Madaxweynaha JFS uu dagaalka ka hogaaminayay Magaalada Dhuusamareeb, waxaa dib loogula wareegay Deegaanno badan oo ay ugu dambeysay Magaalada Ceel Buur, Khawaarijtii 18 sano ayay Ceel-buur Ukumaha dhigatay shalayna, waxaa laga taagay Calanka Soomaaliya, sidaasi awgeedna  Dal xor ah iyo dowlad hagaagsan ayuu inagu hugaaminayaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

War ay heshay SONNA ayaa tibaaxaya in Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo  qaadeen deegaanka Cowswayne  ee Degmada Ceeldheer oo dhawaan laga xoreeyay, iyadoo ay Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka u dhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku raran yihiin. Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.

Argagixisadu waa dambi ka dhan ah bini’aadantinimada, waxay weerar ku qaaday qiyamka ay bulshadu wadaagto ee ah Nabada, Xoriyada, iyo Cadaalada. Qof kastaa wuxuu door ku leeyahay dagaalka lagula jiro Argagixisada, marka sow ma mudna in aan u midawno, waxaa tusaale nooga filan Qaraxyayadii 14-kii Oktoobar sanadkii 2017 iyo  kii October 30-keedii, 2022-kii.  “BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH”, sidaasi waxaa murti ku muujiyay Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Amiirka Qadar Sheikh Tamim  oo boqanaya Iiraan

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa manta oo Axad ah booanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula…

CaalamkaWararka
January 12, 2020

Ra’iisul wasaarihii wadanka Lubnaan oo iscasilay

Ra,iisel wasaaraha la magacaabay Saad Hariri ee Lubnaan ayaa xilka ka degay khamiistii kadib markii uu ku guul dareystay inuu…

Caalamka
July 16, 2021

meeqa degmo ayaa u gudubtay wareega afar dhamaadka tartanka kubadda cagta ee Gobolka Banaadir?

Tartanka kubada cagta oo ay ku tartamayaan Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka banaadir aya u socda si dar-dar leh  iyada oo…

CiyaarahaWararka
March 14, 2023

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Gaari uu saranyahay Hub loo waday khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howgal ka dhacay deegaanada Baar- dheere ee Gobalka Hiiraan kusoo qabtay gaari saanad…

GudahaWararka
January 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023