Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ballaarinta xubnaha BRICS, Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ballaarinta xubnaha BRICS, Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?
GudahaMaqaalladaWararkaWargayska

Ballaarinta xubnaha BRICS, Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?

By Bile
Last updated: September 8, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho-(SONN)-Is-balaarinta degdega ah ee wadamada ku midoobay iskaashiga dhaqaalaha ee loo soo gaabsho BRICS ee kala ah Baraasiil, Ruushka, Indiya, Shiinaha, iyo Koonfur Afrika—waxay xoojisay hadal haynta ku saabsan doorka Afrika ee nidaamka cusub ee aduunka. Taariikh ahaan, Afrika oo ah meel ay ku badantahay saameynta  reer galbeedka iyo ka’faaideysigooda kheyraadka qaaradda, ayaa xilligan waxay wajahaysaa xaalad xasaasi ah. Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa bal in Qaaradda noqon doonto mid wado cusub u jeexda awoodaha is haya ee reer-galbeedka iyo BRICS ama waxay noqon doontaa goob ay awoodahan ku dagaalamayaan oo ay siku jii-jiidaan?

Qiimaynta taariikhiga ahi waa muhiim si loo fahmo xaaladaha siyaasadeed ee ay soo martay qaaradda. Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-naad, qaaraddu waxa ay bartilmaameed u ahayd imbaradooriyadda Yurub, taasi oo si weyn u qaabaysay qaab-dhismeedka dhaqan-siyaasadeed. Wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo quwadihii hore ee gumaystaha sida Faransiiska iyo Ingiriiska, ayaa reebay saamayn aan la qiyaasi karin, iyagoo ku soo gabanaya deeqo shisheeye iyo mashaariic horumarineed.

Si ka duwan qaababkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedku u wajaheen qaaradda Afrika, waxay u muuqataa in isbahaysiga dhaqaale ee BRICS uu la soo shir-tagayo qaab ay ka marantahay faragelin isla markaana leh sinaan iyo horumar. Iyada oo maalgelin weyn lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha , waxbarashada, iyo tignoolajiyada, waddamada BRICS waxay higsanayaan in ay la yeeshaan Afrika xiriir faa’iido leh. In Koonfur Afrika xubin ka tahay BRICS ayaa waxay qaarada Afrika siinaysaa cod miisan leh iyo fursado gaar ah taasi oo u sahlaysa qaarada in ay la jaan qaado horumarka iyo kobaca.

Soo ifbaxa iskaashiga BRICS ayaa dhibaato ku ah wadamada reer galbeedka. Inkastoo weli reer galbeedka si buuxda gacanta ugu hayaan dibloomaasiyadda iyo dhaqaalaha qaaradda, haddana is-balaarinta BRICS waxay halis ku tahay in wax ka badasho dheelitirka awoodda. Kuwa wax naqdiya waxay tilmaamayaa in xiriirka BRICS la mid yahay “diblomaasiyadda dabinka deynta,” gaar ahaan Shiinaha, si ay ugu doodaan in ka-qaybgalka kooxda laga yaabo inaysan u noqon Afrika deeqsinimo sida muuqata.

Cabsida ayaa ah in iyadoo laga yaabo in wadamada BRICS aysan si cad ku xirin shuruudo deeqaha iyo taageerada ay bixinayaan, in haddana ay si hoose u soo rogi karaan xaalado dhaqaale oo wax u dhimaya madax banaanida Afrika. Qaaradda ayaa hadda wajahaysa fursad aan horay loo arag. Dhinac, waxa jira xiriir soo jireen ahaa oo ay qaaraddu la leedahay reer galbeedka, oo ay ka buuxaan taariikh iyo aqoon. Dhanka kale, waxaa jira isbahaysi cusub oo lala yeesho wadamada BRICS kuwaas oo ballan qaadaya koboc dhaqaale oo aan lagu xirin shuruudo siyaasadeed oo cad.

Waxa xaqiiq ah in wadamada Afrika aanan si siku mid ah loo la dhaqmi Karin, sababtoo ah heerka dhaqaale ee wadamada Afrika ayaa u baahan habab kala duwan. Laga bilaabo waddamada kheyraadka qaniga ku ah sida Nigeria iyo Angola ilaa xarumaha teknolojiyadda ee kobcaya sida Kenya iyo Rwanda. Ururka BRICS wuxuu u wajahayaa Qaaradda siyaabo kala duwan, laakiin caqabaddu waxay tahay sidii lagu ogaan lahaa iskaashiga ku habboon baahiyaha horumarineed ee dalalka Afrikaan.

Balaarinta ururka dhaqaalaha ee BRICS waxa ay siinaysaa wadamada Afrika awood ay ugala xaajoodaan heshiisyo wax tar leh ururka BRICS iyo wadamada reer galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta digniin—Afrika waa in ay iska ilaalisaa in ay noqoto goob ay ku hardamaan quwadaha reer galbeedka iyo Ururka BRICS kuwaasi oo isku haya siyaasad iyo awood. Waa in si taxadar leh loo abuuraa Iskaashi istiraatijiyadeed, iyadoo la kala soocayo danaha qaranka iyo faa’iidada mustaqbalka fog.

Dhinaca kale, balaarinta lama filaanka ah ee ururkan iyo oggolaanshaha lixda xubnood ee cusub ee Sucuudiga, Iran, Itoobiya, Masar, Arjantiin iyo Imaaraadka Carabta, ayaa laga yaabaa inay saamayn ballaaran yeelato, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mid ka mid ah su’aalaha ugu xiisaha badan ee ka dhashay ballaarintan ayaa ah in qaabka ururka BRICS wax u wajahayo ee ku salaysan iskaashiga hurumarinta dhaqaalaha laga yaabo in uu xal u noqdo khilaafaadka muddada dheer soo jiitamayay ee xubnaha cusub, sida muranka wabiga Niil ee Masar iyo Itoobiya.

Marka la eego sida ururkan diiradda u saarayo kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, BRICS waxay horumarin kartaa xalal iskaashi oo faa’iido u leh labada waddan. Xaaladani waxay tijaabo u noqon kartaa awoodda ururka ee kobcinta diblomaasiyadda dhaqaale ee xubnaheeda.

Doorka Shiinaha ee dhexdhexaadinta Sucuudiga iyo Iran ayaa bixinaya aragti wanaagsan oo ku aadan sida BRICS ay u wajahdo xallinta khilaafaadka. Xiisaddii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay Riyadh iyo Tehraan ayaa xoogaa hoos u dhacday, waxaana mahadaasi leh Shiinaha oo adeegsaday aragtiyo istiraatijiyadeed iyo dano dhaqaale oo isugu jira.

Ugu dambeyntii waxa muuqata in Afrika iyo saaxibadda cusub eek u biiraya BRICS ay haatan haystaan fursado aan horay loo arag oo ay dib ugu qeexi karaan mustaqbalkooda. Waa dheeli tirnaan aan sugnayn, balse rajo leh oo u baahan dhaq-dhaqaaq dublamaasiyadeed oo hufan. Mar walba oo danaha leeyahay ay kordhaan, waxa sidoo kale sara u kaca  suurtagalnimada isbeddelka ee Afrika iyo guud ahaan bulshada caalamka.

W/Q: Dr Maxamed Cismaan

MACLUMAAD KU SAABSAN QORAAGA

Dr Mohamed Osman Mohamoud, waxa uu heysta shahaadada PhDga. Waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (UPEACE), Marka laga soo tago doorka uu ku leeyahay dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, Dr Mohamed waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar . Waxaad kala socon kartaa qoraaga twitterka @ MohamedOsmanSom

 

TAGGED:Ballaarinta xubnaha BRICS Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo xubin ka noqotay urrur muhiim ah.

Muqdisho(SONNA):-Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ku kala saxiixday Heshiis Dowladda Soomaaliya ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika…

GudahaWararka
April 26, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo dhiggiisa dalka Gabon oo ka wada hadlay xiriirka labada dal.

Muqdisho (SONNA)-January 21, 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Jimce…

GudahaWararka
January 21, 2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH ISMAACIIL MAXAMUUD CIGAAL.

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay…

GudahaWararka
December 31, 2022

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Galdogob gaaray “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland ayaa…

Wararka
November 19, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023