Muqdisho(SONNA):-Mayarka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Nadar Tabaax ayaa shegtay in xaafadda Buundaweyn ay seddax Carruur ah ay Gaajo ugu geeriyoodeen,kadib markii ay ku go’domeen halkaasi.
Duqa Magaalada Beledweyneย oo la hadashay warabaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegtay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto Magaalada Beledweyne kadib sameynta ka dhalatay fatahaada wabiga,waxa ayna hay’adaha gargaarka ugu baaqaday in gurmad deg deg ah ay lasoo garaan Qoysaska ay fatahaadu sameeysay.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in wali xafadaha qaar ay jiraan dad shacab ah oo ku go’doonsan, kuwaa oo halkaa ku wajahayo xaalado bini’aadanimo aad u liidato.
Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay’adda SODMA Magaalada Beledweyne gaarsiisay saddax diyaaradooda oo gargaar sida,balsa sidaa ay Sheegtay wali kaalma intaa ka badan ay u baahanyihin Shacabka Magaalada Beledweyne oo inta badan ka barakacay xaafadaha magaaladaasi.
Roobka deyrta oo ka curta dalka iyo fatahaada wabiga ayaa sameeyn xooggan ku yeeshay kummanaan shacab ah kuwaa oo ka barakacay xafadahoodii,una baahan xiligaaย gurmad
Dowladda soomaaliya ayaa dhankeeda wadda dadaallo loogu gurmanay dadka ay Roobabka iyo fatahaadu sameeysay,iydoo meelaha qaar la gaarsiiyo gurmad kala duwan.