SONNA (BALADWEYNE)- Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Bandow uu ku soo Rogay magaalada Beladweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in bandowgan ay u sameeyeen si loo xaqiijiyo Amniga Magaalada Beladweyne, loogana hortago wax walbo oo qalqal gelin karo amniga magaalada.
Guddoomiyaha ayaa faray Hay’adaha Amaanka in la dhaqan geliyo lana xoojiyo Xasiloonida Baladweyne.