Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Baarlamanka Carabta oo diiday in lakala gooyo Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baarlamanka Carabta oo diiday in lakala gooyo Soomaaliya
GudahaWararka

Baarlamanka Carabta oo diiday in lakala gooyo Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 29, 2025
3 Min Read
Share

Bayruut (SONNA): War rasmi ah oo ka soo baxay mudane Ibraahim Boughali Guddoomiyaha Ururka Baarlamaanka Carabta, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Aljeeriya ayaa lagu diiday talaalada ay Israel ku doonayso inay ku kala goyso Soomaaliya.

Mudane Ibraahim isaga oo ku hadlaya magaca Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu si cad oo adag u diiday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo dhaawac ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama wiiqaysa xasilloonideeda siyaasadeed iyo amni, ama khatar gelinaysa midnimadeeda dhuleed ee Soomaaliya.

“Ururku waxa uu mar kale xaqiijinayaa diidmada buuxda ee tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo ku xadgudbaya madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama wiiqaya xasilloonideeda siyaasadeed iyo amni, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan qodobka 2-aad (farqaddiisa 4-aad) ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka ama adeegsiga awood ka dhan ah badqabka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Ururku waxa uu cambaareynayaa aqoonsi kasta oo la siiyo hay’adda Sahyuuniyadda ee lagu sheeganayo dhulka Soomaaliya inay tahay “dawladdo madax-bannaan”, isaga oo u arka arrintaas xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, faragelin toos ah oo arrimaheeda gudaha ah, iyo baaq halis ah oo lagu hurinayo xasillooni-darro ka jirta gobolka Carabta iyo Afrika. Tani waxay ka hor imaanaysaa Go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay lambarkiisu yahay 2625 (XXV) ee sannadka 1970, kaas oo adkeynaya mabda’a aan faragelinta lagu sameyn arrimaha gudaha dalalka, isla markaana diidaya aqoonsiga isbeddello dhuleed oo ka dhashay tallaabooyin sharci-darro ah.

Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu carrabka ku adkeynayaa in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda, ay yihiin qayb aan ka go’i karin amniga guud ee Carabta. Sidaas awgeed, Ururku waxa uu muujinayaa garab-istaag buuxa oo uu la garab taagan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna taageerayo tallaabo kasta oo sharci ah oo ay qaaddo si ay u ilaaliso xasilloonideeda, madaxbannaanideeda, iyo dhulkeeda oo dhan.

Ugu dambayn, Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madax-bannaanida buuxda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeynaya taageeradiisa joogtada ah ee uu siinayo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed si ay u ilaashadaan dhulkooda una xoojiyaan xasilloonidooda, isla markaana ugu baaqaya isku-duwid Carbeed oo wadajir ah si looga hortago hanjabaad kasta oo dibadeed, iyadoo la raacayo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah ee xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya dalalka, kuwaas oo diidaya isku-day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida ama xasilloonida dalalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safaaradda  Mareykanka oo dib uga howlgashay  Muqdisho

Muqdisho(SONNA)...Mareykanka ayaa dib u furay safaaraddii ay ku lahaayeen dalka Sooomaaliya ka dib kolikii muddo 30-sano ah ka hor ay…

Wararka
October 3, 2019

Israel oo dishay in ka badan 100 qof oo ku sugnaa Gaza iyo Lubnaan

In ka badan 50 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israel ee guud ahaan Gaza, sida ay ilo-wareedyo…

Caalamka
November 8, 2024

Ra”iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Qatar u jooga Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah…

GudahaWararka
May 25, 2024

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka 

Muqdisho (SONNA):-Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah…

GudahaWararka
December 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023