Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN). 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN). 
GudahaMaqaalladaWararka

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN). 

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 16, 2025
4 Min Read
Share

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub cusub oo xiriir dibloomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale.

Sanadka 1991 oo noogu asteysan in dalkeena uu galay dagaal sokeeye iyo burbur ayaa iyagana ugu asteysan sanadkii ay Soviet-ka kala soo noqdeen madaxbanaanidooda. Halkaasi waxaa ka bilaabanaysa laba taariikhood oo mudan in casharo laga barto. Halka anaga aan ka soo kabanayno dib u dhac na la soo gudboonaaday xilli dunida inteeda kale ay ku tallaabsatay horumarkii ugu xooggannaa ee dhan walba gaar ahaan tiknoolojiyadda, Azerbaijan waxay la jaanqaadday horumarkaas.

Sida uu ii sheegay Mikayil Jabbarov, Wasiirka horumarinta dhaqaalaha ee dalkaasi intii aan ku sugnayn caasimadda Baku, dakhliga fardiga ah ee muwaaddinka Azeriga ah wuxuu ka kacay $735 (nml) sanadkii 1991-kii, wuxuuna hadda marayaa $7,381 heerka sare ee waddamada dhakhliga dhexe leh “upper middle income country”, taasi oo ka dhigan in seddex caqdi gudahooda ay dhaqaalahooda aad u kordhiyeen.

Horumarka ay gaareen waxaa asal u ah:-

(1) xasillooni iyo nabad galyo,

(2) horumarinta kheyraadka dalka oo uu shidaalka ugu horeeyo,

(3) dhismayaasha kaabayashaa dhaqaalaha gaar ahaan dhuumaha shidaalka ee sida tooska suuqyada caalamiga ah ugu xira (Baku-Tiblisi- Ceyhan, Southern Gas Corridor),

(4) Warshadeyn baaxad leh,

(5) soo jiidasho maalgashi ajnabi

(6) horumarinta karaanka muwaaddiniinta,

iyo (7) danabeynta adeegyada dowladda. Intaasi waxaa sii dheer horumarka dhanka ciidamada ay ka gaareen.

Marka laga tago Warshadaha shidaalka, xarumaha adeegga dowladda “Asan”, Warshadaha soo saara qalabka militariga, oo ah xarumaha xuddunta u ah horumarkooda ee uu Madaxweynaha iyo wafdiga Soomaaliya ay booqdeen, horumarka dalka waxa uu ka muuqdaa Waddooyinka, dhismayaasha iyo nadaafadda caasimadda.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkeena oo asagoo talada haya booqda dalka Azerbaijan, waxaana rajayneynaa in xiriirka labada dalka uu soo kordhin doonno iskaashi horseedaya horumar sida ku cad heshiisyada difaaca, Waxbarashada, Tamarta iyo sare u qaadidda adeegga dowladnimada ee ay labada dal kala saxiixdeen, kaasi oo sida qorshaha yahay loo sameyn doono guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeynaya fulintooda.

Dhinaca Militari isagoo ka hadlaaya Madaxweynaha Azerbaijan “Soomaaliya waxaan ku caawin karnaa in ay hesho hubka aan soo saarno”.

“Waxaa maanta sharaf ii aheyd in aan magaalada Baku dhiggeyga Azerbaijan, mudane Zakir Hasanov kula sixiixdo heshiis iskaashi ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca.

Munaasabadan oo aheyd mid qiimo leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane  Ilham Aliyev, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan. Waa tallaabo muhim ah oo aan horey u qaaday taasoo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Waxaa naga go’an inaan horumarino wadashaqeynteena, Sidoo keleba waxaan aaminsannahay in iskaashigaani uu noo horseedi doono horumar la taaban karo awoodeena difaaca”, sidaasi waxaa yiri:-  Wasiirka gaahaandhigga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

W.Q. Xasan Aaden Hoosoow La Taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dhaqaalaha.      

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga u soo xiray Tababar…

GudahaWararka
June 23, 2021

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭a𝐲 ha𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 t𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚d𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Geneva-Switzerland-(SONNA)-Wasiirka Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Guuleed…

GudahaWararka
February 12, 2025

Qaramada Midoobe iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub wada saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka…

Wararka
October 15, 2020

Cutubyo cusub oo ciidanka xoogga dalka kamid ah oo Baydhabo Tababar loogu soo xiray

Taliyaha Qeybta 60-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa tababar u soo xiray cutubyo katirsan…

Wararka
January 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023