Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Axmed Madoobe “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan hadhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Axmed Madoobe “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan hadhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina”
Wararka

Axmed Madoobe “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan hadhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina”

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 30, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha aragti wadaagga Heritage ee Garoowe ka furantay ayaa ka hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda doorashada, amniga dalka, xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya iyo dhammaystirka Dastuurka.

Marxaladda doorashada ee xilligan dalku wajahayo ayuu Axmed Madoobe soo jeediyey in madaxda dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalku ay wadatashi iyo isu tanaasul ku wajahaan, ayna ku heshiiyaan waddo cad, ka hor inta aanu waqtigu dhammaan, ayna mar walba ka wada fariistaan wixii khilaaf ah, xitaa haddii ay kalifayso inay kulmaan bishiiba 2-mar.

Waxa uu musharixiinta u soo jeediyey inay ka fiirsadaan hadallada xasradda iyo xasilooni darrada abuuri kara, si looga fogaado amni darri, “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan ha dhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina, ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu xusay inay ahmiyad Qaran leedahay in dawladda soo socota loo sii diyaariyo ajandayaasha shaqo ee leh ahmiyadaha ugu horreeya, si ay mudda xileedkeeda uga shaqayso dhammaystirka Dastuurka, in dalka laga nadiifiyo Argagixisada Al-shabaab iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayuu Axmed Madoobe kaga hadlay si adag, isagoo xusay in wax badan la siyaasadeeyey, isaguna uusan marnaba ka hadal kiiska badda uuna u arko mid u yaal dawladda Federaalka, uusana ka soo horjeedin danta Qaranka, balse uusan qabin in xiriirka loo jaro Kenya marka la eego danaha isaga keen xiran.

Mar uu ka hadlayey amniga Qaranka ayuu madaxweynaha Jubbaland xusay in wax badan aysan ka fulin heshiiskii Baydhabo ee lagu qorsheeyey qaab dhismeedka ciidanka dalka heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, taas oo keenaysa in Soomaaliya ay AMISOM wali ku sii tiirsanaanayso, Al-shabaabna aan dhul badan laga saarin.

Nidaamka qabiilka ee 4.5, fahanka laga haysto nidaamka Federaalka oo wali aan nuuciisa si rasmi ah looga heshiin iyo qabyatirka Dastuurka oo u xaniban is aaminaad la’aan iyo maslaxadda siyaasadeed ee markaa jirta ayuu sheegay inay caqabad ku noqdeen in la hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

 

ย 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

๐——๐—ถ๐—ด๐—ป๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—š๐˜‚โ€™๐—ด๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ

Muqdisho(SONNA):-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta soo saartay ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ป๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚'๐—ด๐—ฎ kaas oo la filayo…

GudahaWararka
April 1, 2024

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay daah-furayey Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060…

GudahaWararka
June 23, 2025

RW ku xigeenka dalka oo London kaga qeyb galay shirweynaha cunno yarida

Muqdisho (SONNA):- Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada London kaga qeyb galay shirweynaha cunno…

GudahaWararka
November 20, 2023

Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaadatay Madaxa Q.Midoobay ee Arrimaha Haweenka

Muqdisho(SONNA)...Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahin ayaa xafiiskeeda ku qaabishay madaxa hayโ€™adda Qaramada…

Wararka
November 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023