Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Axmed Madoobe “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan hadhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Axmed Madoobe “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan hadhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina”
Wararka

Axmed Madoobe “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan hadhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina”

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 30, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha aragti wadaagga Heritage ee Garoowe ka furantay ayaa ka hadlay arrimo ay ka midyihiin marxaladda doorashada, amniga dalka, xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya iyo dhammaystirka Dastuurka.

Marxaladda doorashada ee xilligan dalku wajahayo ayuu Axmed Madoobe soo jeediyey in madaxda dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalku ay wadatashi iyo isu tanaasul ku wajahaan, ayna ku heshiiyaan waddo cad, ka hor inta aanu waqtigu dhammaan, ayna mar walba ka wada fariistaan wixii khilaaf ah, xitaa haddii ay kalifayso inay kulmaan bishiiba 2-mar.

Waxa uu musharixiinta u soo jeediyey inay ka fiirsadaan hadallada xasradda iyo xasilooni darrada abuuri kara, si looga fogaado amni darri, “waxaan leeyahay musharixiinta meel aan ha dhaw laga soo celin karin ha gaarsiinina, ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu xusay inay ahmiyad Qaran leedahay in dawladda soo socota loo sii diyaariyo ajandayaasha shaqo ee leh ahmiyadaha ugu horreeya, si ay mudda xileedkeeda uga shaqayso dhammaystirka Dastuurka, in dalka laga nadiifiyo Argagixisada Al-shabaab iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayuu Axmed Madoobe kaga hadlay si adag, isagoo xusay in wax badan la siyaasadeeyey, isaguna uusan marnaba ka hadal kiiska badda uuna u arko mid u yaal dawladda Federaalka, uusana ka soo horjeedin danta Qaranka, balse uusan qabin in xiriirka loo jaro Kenya marka la eego danaha isaga keen xiran.

Mar uu ka hadlayey amniga Qaranka ayuu madaxweynaha Jubbaland xusay in wax badan aysan ka fulin heshiiskii Baydhabo ee lagu qorsheeyey qaab dhismeedka ciidanka dalka heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, taas oo keenaysa in Soomaaliya ay AMISOM wali ku sii tiirsanaanayso, Al-shabaabna aan dhul badan laga saarin.

Nidaamka qabiilka ee 4.5, fahanka laga haysto nidaamka Federaalka oo wali aan nuuciisa si rasmi ah looga heshiin iyo qabyatirka Dastuurka oo u xaniban is aaminaad la’aan iyo maslaxadda siyaasadeed ee markaa jirta ayuu sheegay inay caqabad ku noqdeen in la hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞  𝐉𝐚𝐫𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚

Muqdisho(SONNA):-Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay…

GudahaWararka
November 30, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiye ku-xigeennada Degmooyinka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose…

Wararka
December 23, 2020

Dad badan oo u dhintay cudurka Covid 19 ee ka jira Waqooyi Bari Kenya

Saraakiisha caafimaadka ee Waqooyi Bari Kenya   ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19 ay u…

Gudaha
August 27, 2021

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo cadeeyay kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee…

GudahaWararka
September 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023