Muqdisho-(SONNA)- Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidamadda qalabka sida ayaa maanta Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ku ridday xukun dil ah sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda qalabka sida.
Gacan ku dhiigle Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxiibkiis marxuum Dable hore Xoogga Cabdullaahi Maxamed Cabdulqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22-aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir 20-7-2023.
Baaris dheer ka dib, garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa 26-kii September ee sanadkan ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey dil toogasha ah, taas oo ah qisaasta marxuum Dable hore Xoogga Cabdullaahi Maxamed Cabdulqaadir.
Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey.