Muqdisho (SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo kasoo ruqaansaday deegaanka Araare, islamarkaana cagta soo mariyay deegaanada Kaban iyo Bangaani ee gobolka Jubada hoose ayaa waxey hal KM usoo jirsadeen Jamaame, taasi oo keentay in argagixisada ay isaga cararaan Degmadda Jammaame.
Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay haatan u jiraan hal Kiilo mitir.
G/le Sare Maxamed Badal, ayaa tilmaamay in howlgalkaan ay sameeynayaan Ciidamadda Guutada 11aad, Qeybta 43aad iyo Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, islamarkaasna Goobihii ay soo mareenย ay kasoo saareen ilaa iyo labo miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.
Howlgalkaani ayaa ujeedkiisu yahay baacsiga Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, Kuwaasi oo baneystay Daadinta dhiiga iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed.