Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay Qeybtii 2-aad (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay Qeybtii 2-aad (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay Qeybtii 2-aad (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 22, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)–Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hay’adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada) lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhan kale bulshadda Soomaliyeed ayaa wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.

Go’aanadaan aan soo qaadaneynno ayaa Khuseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta, wuxuuna u qoran yahay sidan:- 1. Dhammaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska & Sariflayaasha lacagaha qalaad, waxa la farayaa in ay isku diiwaaangeliyaan muddo 30 cisho gudahood, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadidoono cidkasta oo aan diiwaangashanayn.

2.Guddigu waxa uu farayaa hay’adaha maaliyadeed, (Bankiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada)in ay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida FRC&Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood. Ciddii kusoo gudbin weysa warbixinnada muddadaas waxaa laga qaadayaa talaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.

3.Dhammaan qareenada iyo nootaayooyinka, shirkadaha & dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha (real estate companies, real estate agents),macadanta & dhagaxyada qaaliga waa in ay FRC uga warbixiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada looga shakiyay inay xiriir la leeyihin khawaarijta si degdeg ah,si waafaqsan qodobada 5aad &14aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqidda &maalgalinta argagixisada.

4.Bangiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha adeegyada lacagaha mobile-da aan shati ka haysan Bangiga Dhexe, waxa lala tiigsan doona sharciga hay’adaha maaliyadda 2012, ayadoo dabagal iyo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo dhamaan hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.

5.Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta & adeegyada lacagaha mobile-lada (mobile money service providers) waxa la farayaa inay diiwaangeliyaan macaamiishooda cusub, ugu yaraanna waa in sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta loo furayo Sim-kaar cusub. Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn mudo 90 cisho gudahoodah si waafaqsan qodobka 5-aad sharciga kahortaga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada.

6.Dhammaan Shirkadaha Adeegyada lacagaha mobile-lada (Mobile Money Providers) waa in ay dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiisha uusan kabadnaankarin USD $300 (Sedex boqol oo doolar) cidii fulinwaysana lala tiigsandoono sharciga.

7.Dhammaan shirkadaha ganacsiga & adeegyadaganacsiyadda yar yar ee dalka, waa inay iska diiwaangaliyaan Wasaaradaha Ganacsiga & Warshadaha iyo wasaaradaha & hay’adaha kale ay shaqadooda khusayso muddo 60 cisho guddahood. Ciddii isdiiwaagalin wayda ama la arko iyadoooganacsiaan diiwaangashanayn ku jirta, waxaa la horgaynayaa maxkamada awoodda u leh.

8.Dowladdu waxaa ay la wareegeysaa si waafaqsan Sharciga Ka hortaga Lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo khawaarijta, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeysa cid kasta oo xiriir la leh lacag dhaqista ama maalgelinta khawaarijta.

Dhammaan qodobadaan waa muhuum waxaana lagu sugayaa ammaan iyo la socodka dhammaan wixii sharwadayaal ah sida Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab, Haddaba falanqeeyayaashu maxay ka yiraadeen Go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan  Go’aanka Guddiga la dagaalanka lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagaxisada, marka si aan wax badan uga ogaanno faaiidada ay dowladda u leedahay dhaqangalinta arrimhaani ayay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA qeybteeda Warbixinada ay waraeysi kala yeelatay Ciise Xasan oo jooga Dalka Finland oo Baarista iyo Analysis-ka ku takhasusay, islamarkaana wax ka weydiisay Amaradii sy dhawaan soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa ku bilaabay “Waxay arrintani la xiriirtaa xakameynta isticmaalka Talefoonada kooxda Argagixisada waana iska caadi oo Aduunka oo dhan ayaan laga isticmaala”.

Falanqeeye sare Ciise Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sii raaciyay “Runtii hadda lama ogaan karo wakhti ayay qaadaneysaa Inkastoo Shirdadaha isgaarsiinta ay bilaabeen 2-sano ka hor Diiwaangelinta kaararka cusub , Mana u maleynaayo  in wax dhibaato ah ay Shacabka soo gaarayo, maxaa yeelay Dalalka deriska hadii aad tagto waa lagu diiwaangelinayaa”.

Dhinaca kale Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaabka maxay u geysan kartaa ayaad is leedahay Isgaarsiin ahaan ama dhaqaale ahaanba? Ayaa n weeydiinay Falanqeeye Ciise Xasan, waxa uuna ku jawaabay “ Wax badan,  Maxaa yeelay bishii Kooxda Khawaarijtu waxay qaadan jireen tiro xad dhaaf ah oo Sim-cards ah, qiyaastii 10.kun ayay gaareysaa, waxayna u isctimaali jireen wicitaanka Ganacsatada iyo Xiriirkooda gudaha”

“ Waaba xirantay taasi, balse Hadda waxay bilaabeen in Dadka ay toos ugu tagaan si ay baadda uga qaataan, halka markii hore ay wici jireen ama Akoonno loogu soo shubi jiray” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Falanqeeye Ciise Xasan oo jooga Dalka Finland, aqoon durugsanna u leh arrimaga Baarista iyo Warbixinada.

Qallinka C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

Jabuuti(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka…

GudahaWararka
November 26, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey wax-qabadka xukuumadda Dan-qaran

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee…

GudahaWararka
September 18, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad…

GudahaWararka
January 17, 2025

Xogta Horjooge muhiim u ahaa Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Jubbada hoose (Warbixin)

Muqdisho.(SONNNA):- Wel-marow, waxa ay in ka badan 45-km dhinac bari ka xigta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, halkaas howlgal…

Maqaallada
July 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023