Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Aqoonyahan Faysal Rooble oo faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii la galay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Aqoonyahan Faysal Rooble oo faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii la galay
GudahaWararka

Aqoonyahan Faysal Rooble oo faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii la galay

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 18, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas oo waretsi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii Soomaaliya u gashay difaaca qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

 

Aqooyan Faysal Rooble ayaa marka hore sheegay in shirka Ankara uu daba-socday shirar kan ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo gogol xaar u ahaa shir labaad oo Ankara ka qabsoomay, kaas oo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada ee Soomaaliya iyo Itoobiya,laakiin shirka saddexaad oo dhacay 12 December 2024, kaas oo go’aan kama dambeys oo heshiis lagu gaaray laga soo saaray.

”Sida la socoto shirkan Ankara wuxuu daba socday shirar ka horeeyay oo kii ugu horeeyay Nairobi ka bilowday oo inaba ambaqaadin, kii labaad Ankara ayuu ahaa runtii inkastoo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal, laakiin loo kala warqaadayay,islamarkaana qodobada muhiimka ah shirkaas lagaga hadlay la iskuna afgaran waayay dhinaca loo socdo,shir kalaa ka dambeeyay isagana waa cakirnaa go’aan lagama gaarin, is-afgarashana lama helin, balse waxaad mooddaa midba midka ka dambeeyay inuu uย  sii gogol xaarayay kan hadda Ankara ka dhacay 12 December 2024, kaas hadda waxa ka soo baxay Bayaan heshiisna ma ahan,MOU,heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ma ahan waa Bayaan caddeynaya labada dhinac in ay is-afartaan oo dhibtii ka dhaxeysay ka heshiiyaan oo meel lagu ogaado heerkaas ayaa la taagan yahay,”.

Sidoo kale, Aqoonyahan Feysal Rooble ayaa wareysigiisa si qoto dheer kaga hadlay nuxurka heshiiska labada ay ku gaareen magaalada Ankara, kaas oo uu garwadeyn ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey.

” Qacda ugu horeysa waxaa weeye in Itoobiya shirarkii ugu horeeyay ee la isugu yimid dib uga laabatay luqmatul xajarka dib u liqday dhaqaaqday arrimihii ay ku dhegneyd oo aanay xaq u lahayn,markaa shanta qodob ee muhiimka ah ee meesha ku tuugan, midi waa kan sheegay oo hadda ima hor yaalo, laakiin arrimaha ugu waa saddex koow Itoobiya shirarkii la isugu yimid laga soo bilaabo maalintii Kenya ilaa kuwii aan joogay ilaa kan maanta waxaa intaa diidaneyd erayga oranaya muqaddasnimada midnimada Soomaaliya, doorkan sida aan warka ku hayo is-jiid-jiid badan iyo is-riix-riix badan oo Aby ka dhaqaaqi waayay ugu dambeyn wuu saxiixay, waxay u diidayeen midnimada Soomaaliya in ay muqaddas tahayna wax kalaa miiska u saaran,”.

Kulanka Ankara ee dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya, dhammaan qeybaha kal duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay heshiiska iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u difaacay qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Muqdisho(SONNA):-Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen…

GudahaWararka
October 31, 2024

Deegaano kale oo laga saaray Maleeshiyaadka Daacish

Boosaaso (SONNA):ย Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa goor dhawayd la wareegay Deegaanka Sheebaab oo ka tirsan Dagmada Qandala ee Gobalka Bari ahayd…

GudahaWararka
February 24, 2025

Horjoogihii ugu sareeyay argagixisada ka dagaalanta Mozambique oo la dilay

Wasaaradda Gaashaandhigga Mozambique ayaa sheegtay in ciidamadu ay ย dileen Bonomade Machude Omar (Ibn Cumar) oo ahaa horjogihii ugu sareeyay kooxaha…

Caalamka
August 26, 2023

Wasaaradda Caafimaadka oo qabatay kulan lagu soo dhaweynayey sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo uu saxiixay Madaxweynaha Farmaajo

MUQDISHO-(SONNA)-Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan BFS, Lataliyeyaasha Madaxweynaha ee arrimaha sharciga iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa ka qayb galay kulan…

GudahaWararka
November 17, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023