Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Aqoon-sweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Aqoon-sweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF
GudahaWararka

Aqoon-sweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 23, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Aqoon isweydaarsigani oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu soconayaa mudda seddex maalmood ah waxaana ka faa’iideysanaya 30 xubnood oo ka socda Xafiisyada Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Marwo Fartuun Axmed Xasan Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo soo dhoweysay madaxda iyo hawlwadeenada hay’adaha dowladda ee ka qeyb galaya tababarkan ayaa kula dardaarantay ka faa’iidaysiga khubarada iyo wadaaga khibradaha ka qeyb galayaasha oo muhiim ah mustaqbal maareynta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee xaaladaha deg dega ah

Col. Cabdifitaax Xasan Adan Afhayeenka Booliiska oo ku hadlay afka ka qeyb galayaasha Aqoon isweydaarsiga ayaa tilmaamay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, isaga oo Wasaaradda Warfaafinta uga mahad celiyay isku keenida khubarada iyo hawlwadeenada dowladda ee xiriiirka Warbaahinta si maalmaha tababarka looga doodo habka xiriirka Warbaahinta loo maareeyo marka lagu jiro xaaladaha deg dega ah iyo guud ahaan iska qabka xafiisyada Warfaafinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo ka mid ah khuburada bixinaysa tababarka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta isku xirnaanta hay’adaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg dega ah iyo ka baaraandega waxa loo gudbinayo Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa tilmaamay in Wasaaradda tababarkan u qabatay si loo xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo iska warqabka xafiisyada xiriirka Warbaahinta ee xilliyadda xasaradaha iyo xaaladaha deg deg ah isaga oo u mahad celiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) oo taageeray tababarkani.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Yusuf Cumar ( Al-cadaala) oo furay tababarka ayaa sheegay in ujeedku yahay qaabeynta ra’yiga dadweynhaa iyo xiriirka Warbaahinta ee waqtiga xaaladaha deg dega ah si bulshadu u hesho xog sugan oo ka jawaabeysa xaaladda taagan,

Wasiir Caddaala ayaa intaa ku daray in hadafka aqoon isweydaarsigani sidoo kale yahay xoojinta isku xirnaanta xiriirka Warbaahinta ee hay’adaha dowliga ah iyo jiheynta dadweynaha maadaama iskaashiga lagama maarmaan u yahay guulaysiga ujeedooyinka dowladda .

Aqoon isweydaarsigan ayaa ka qeyb ka dedaalo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinaysa kor u qaadista awoodda iskaashiga iyo isku xirnaanta Warbaahineed hay’adaha dowladda, Wacyigalinta iyo jiheynta ra’yiga dadweynaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MAXAY KU SALEYSAN TAHAY XUSKA MAALINTA WARFAAFINTA SOOMAALIYEED EE 21 JANNAAYO

Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka…

MaqaalladaWararka
January 21, 2020

Ciidanka xoogga Dalka oo dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Baydhabo-(SONNA)-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay taageerayaan kuwa maamulka koonfur galbeed ayaa dilay maalin ka hor Shan xubnood oo katirsanaa…

WararkaWargayska
January 31, 2021

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay 

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiiska ku qaabilay, wafdi uu hogaaminayay Sii hayaha…

GudahaWararka
February 18, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo Xarigga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere

Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan Baari, oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdi khadar Maxamed…

GudahaWararka
September 22, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023