Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah XFS Mudane Xildhibaan Maxamed Bashiir Cali Baxnaan ayaa daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan soo bandhigidda daraasadda xogta aasaasiga ah ee dhaqaalaha bulluuga ah.
Aqoon isweydaarsigan oo laga soo sameeyay dhamaan dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa si wada jir ah u soo diyaariyey Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Wasaaradda Dakadaha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyo wasaaradda Korontada iyoย Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Bashiir Cali Baxnaan ayaa u mahadceliyay quburada soo diyaarisay daraasaddan oo uu sheegay ineey muhiim u tahay Soomaaliya isla markaana uu rajeynayo in laga faaโideysto.