Muqdisho,(SONNA)- Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka sare Senitor Abshir Bukhaari ayaa soo dhaweeyey in Ra’iisul Wasaare Rooble si buuxda ula wareego Arimaha Amniga Doorashooyinka dalka.
Waxaan soo dhaweynayaa kaalinta iyo qorshaha cusub oo uu Raโiisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kula wareegayo maamulka doorashooyinka, dardargelinta iyo amniga doorashada dalka iyo sidoo kale amniga guud ee qaranka, iyadoo Heshiiska 17 Sebtembar 2020 uu yahay saldhiga laga duulayo.
Waxaan Raโiisul Wasaare Rooble u rajeynayaa in Alle SWT uu u fududeeyo masโuuliyadaas adag uuna u guto si xilkasnimo iyo hufnaan ay ku jirto.
Rajo xumada, is-aaminaad laโaanta, kala-fogaanshaha iyo dhammaan xasaradaha dalka ka jira waxaa looga gudbi karaa in la qaado wado cusub oo ku dhisan is-aaminaad, isku-turid iyo wadar-ogol, waxaana rajo weyn ka qabaa in uu Raโiisal Wasaare Maxamed Xuseen Roble uu ku guuleysto waajibkaas culus waana midaas mida RW Rooble laga rajeynayo, garab istaag buuxana uu ku mudan yahay. Ayuu yiri gudd. Abshir