Muqdisho:(SONNA)-Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay si weyn u adkeeyeen ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Ujeedka ayaa ah sidii loo adkeyn lahaa amniga Dhuusamareen oo 9-ka bishaan ay shir ku yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedyada oo ka arrinsadan doono xaaladda dalka.
Madaxweynaha Galmudug oo shirkaasi martigeliyey ayaa sidoo kale dib ugu laabtay caasimadda mamaulkaasi, wuxuuna la kulmay saraakiisha ammaanka oo uu kala hadlay, sidii loo xoojin lahaa nabad-gelyada, looguna diyaar garoobi lahaa shirkaasi.