Jowhar-(SONNA)-Ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Jowhar ku wareejiyay mashaariic dhowra oo ay halkaasi ka fuliyeen iyo deeq raashiin kala duwan ah.
Mashaariicdan ayaa isugu jirta Iskuul ,suuq hilibka lagu iibiyo, Ceel-biyood , qaar ka mid ah qalabka Isbortiska iyo raashiin ka kooban bariis, sokor iyo saliid, kaalmadaas oo ay ka faaโiideysan doonaan 14,000 oo barokacayaal ah.
Masโuuliyiin ka socotay maamul goboleedka Hirshabeelle oo lagu wareejiyay deeqda, si ay ugu sii gudbiyaan dadka loogu tala galay ayaa howl-galka midowga Afrika kaga majad celiyay taageerada ay la garab taagan yihiin dadka barakacayaasha ah eek u dhaqan Jowhar.
Madaxa arrimaha bulshada ee AMISOM Dr; Opiyo Ododa oo ka hadlay munaasabad lagu wareejinayay agabka ayaa sheegay in taageerada ay u fidiyeen bulshada ay tahay mid ay kaga jawaabayeen codsiyo kaga yimid dadka halkaasi ku dhaqan, wuxuuna intaa ku daray inay mar walba gacan ka geysan doonaan taakuleynta bulshada dhibaataysan.