Muqdisho (SONNA)-Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Amiirka ayaa sheegay in goโaankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.
โWaxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta goโaanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabaddaโ ayuu Amiir Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.