Muqdisho.(SONNA);- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xiritaanka shirka 14-aad ee guddiga qaran ee wada-tashiga siyaasadda Shiinaha (CPPCC) ย oo lagu qabtay hoolka weyn ee shacabka (The Great Hall of the People).
Shirka waxaa goobjoog ahaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo madax kale, waxaana kullanka diiradda lagu saaray y dib u eegista warbixinnada iyo soo jeedinta lagu hagayo siyaasadaha mustaqbalka ee Shiinaha.
Wang Huning oo ah hogaamiyaha xisbiga CPPCC ayaa ugu horeyn khudbad kooban ka jeediyay madasha, wuxuuna sharxay waxyaabihii u qabsoomay iyo hadafka guddiga. Ka qayb galka Amb. Kullane ee shirka ayaa cadeyn u ah xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Danjire, Cawaale Cali Kullane ayaa muujiyay xiriirka iyo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna kullankan fursad siinayaa Soomaaliya si ay faham wanaagsan uga qaadato siyaasadda Shiinaha.
Shirkan, ayaa qeyb ka ah dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka kale, sida Shiinaha. Waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya u daneyneyso in ay si firfircoon uga qayb qaadato doodaha caalamiga ah iyo in la helo fursado iskaashi oo caawin kara labada dal.ย