Muqdisho:(SONNA) -Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay Magalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo.
Amarkan la xiriira xaalada deg-dega oo ku soo kororta Galmudug iyo Puntland ayaa yimid kadib markii la helay Kiis cusub oo cudurka Covid 19 ah, bandawgaan ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19.
Shirkooda ayay ku sheegeen in Magalada Gaalkacyo bandow lagu soo rogayo shacabkuna u hogaansamaan amarada ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan Maamulada Gobolka Mudug.